Qaramada Midoobey, Ingiriiska, Maraykanka, Denmark, Sweden Iyo Dalal Kale Oo Ka Digay In Cimriga Xil-Haynta Madaxweyne Siilaanyo Lagu Daro Wax Ka Badan Hal Sano

0
495

Picture7Hargeysa(Geeska)-Muddo toddobaad gudihii ah ayaa bulshada caalamka ee Somaliland ka caawimisa dhinacyada dhaqaalaha iyo doorashooyinku waxa ay markii saddexaad siyaabo kala duwan ugu celiyeen mawqifka adag ee ay ka taagan yihiin muddo-kordhinta xilka madaxweynaha ee laga sugaayo golaha Guurtida Somaliland.

Warsaxafeed saddex qodob ka kooban oo uu shalay 1da May qaybiyey xafiiska mucaawimada dibadda u qaabilsan dawladda Denmark ee Hargeysa ayaa lagu caddeeyey in aanay bulshada caalamku aqbali karin in madaxweyne Siilaanyo loo sameeyo muddo kordhin ka badan halka sano ee ay komishanka doorashooyinka Qaranku caddeeyeen in ay doorashada ku qaban karaan iyo in bulshada caalamku diyaar u tahay in ay gacan dhaqaale ka geysato qabsoomidda doorashada.

Madaxa xafiiska Haayadda DANIDA Michael Thyge Poulsen oo war-saxaafadeedkan qaybiyey ayaa qoraal uu soo raaciyey ku caddeeyey in warsaxaafadeedkani uu ka turjumayo waqifka bulshada Caalamka, sida Qaramada Midoobey, Ingiriiska, Denmark, Maraykanka, Sweden, Switzerland iyo Austaraaliya ee ku aaddan geeddi-socodka doorashada Somaliland.

Warsaxaafadeedkaas oo uu Geeska Afrik Afsoomaali u rogayna waxa uu u dhignaa sidan;

1. Bulshada Caalamku waxa ay soo dhoweynaysaa dhawaaqa Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ee jadwalka diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo cayimaadda ay 1da Juun 2016ka u cayimeen doorashada madaxweynaha iyo baarlamanka. Komishanka doorashooyinka waxa aanu ku ammaanaynaa in ay guteen xilkoodii dastuuriga ahaa ee farayey in ay madaxweynaha u gudbiyaan jadwalka doorashada oo ku salaysan hannaanka farsamo oo keliya.

2. Bulshada caalamka waxaa si joogto ah niyadda ugu qaboojinayey maqalka muhiimadda ay dhammaan dhinacyadu siinayeen in ay raacaan jadwalka doorasho ee uu soo jeediyo Komishanka doorashooyinku. Booqashadii dhowaan Hargeysa ay ku yimaaddeen xubno ka tirsan bulshada caalamka oo la kulmay dhammaan dhinacyada ay arrintani khusayso, sida madaxweynaha, saddexda xisbi, iyo Guurtida, waxaa hoosta lagaga xariiqay baahida loo qabo in la gaadho is-faham loo dhan yahay, kaas oo lagama maarmaan u ah socodsiinta dhamaystirka diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo in la rumeeyo in doorashooyinku ay dhacaan Juun 2016.

Dib u dhac intaas ka badan, oo aan lagu salayn sababo farsamo, waxa uu dhaawici doonaa, kalsoonida dadweynaha iyo caalamku ku qabaan geeddi-socodka dimuqraaddiyadaynta Somaliland.

3. Bulshada Caalamku waxa ay diyaar u tahay in ay caawiso hannaanka dimuqraadiyadeynta Somaliland”

In kasta oo ay jiraan warar la isla dhex marayo oo sheega in Golaha Guurtida oo dastuurku xaq u siiyey muddo-kordhintu ay doonayaan in ay cimriga xil-haynta madaxweyne Siilaanyo ku kordhiyaan in ka badan hal sano, haddana weli waxaa laga dhursugayaa runta ka soo bixi doonta fadhiga maalmaha soo socda ay Guurtidu ka yeelan doonto arrintan.