Labada Gole Baarlamaan Oo Aqbalay Xil Ka Qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare

0
598

Picture2Hargeysa(Geeska):-Fadhi si wada-jir ah ay shalay u yeesheen Labada aqal ee baarlamaanka Somaliland, ayaa xilkii guddoomiyenimo ay kaga qaadeen guddoomiyahii maxkamada sare ee Somaliland Md.Yuusuf Ismaaciil Cali, oo dhawaan madaxweyne Siilaanyo xilka shaqadaasi ka caydhiyey.

Fadhigan ay Labada aqal wada yeesheen oo madaxweyne Siilaanyo todobaadkii hore ka codsaday in ay isagu yimaadaan sidii isula eegi lahaayeen digreetada uu xilka kaga qaaday guddoomiyaha maxkamada sare, ayaa waxaa ka soo xaadiray 128mudane, iyada oo uu sida oo kalena shir-guddoominaayey guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee aqalka golaha guurtida Somaliland Md.Siciid Jaamac Cali .

Waxaana halkaasi warqad codsi ah oo ka timi madaxweynaha Somaliland oo ku saabsan xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamada sare iyo waxyaabaha uu madaxweynahu u cuskaday xilka qaadista guddoomiyaha maxkamada sare ka hor akhriyey golaha xoghayaha guud ee aqalka golaha wakiilada Somaliland Md.Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Intaa ka dib, ayaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee aqalka golaha guurtida Somaliland Md.Siciid Jaamac Cali oo shir-guddoominaayey fadhigaasi, ayaa xildhibaanada ka codsaday in cod loo qaado xilka qaadista guddoomiyahii maxkamada sare ee Somaliland Md.Yuusuf Ismaaciil Cali, waxaana cod aqlabiyad ah ku ogalaaday digreetadii madaxweynaha ee xilka lagaga qaaday guddoomiyaha maxkamada sare 80 mudane, halka 32 mudanena ay diideen, 15 xubnoodna waa ay ka aamuseen, guddoomiyahuna muu codeyn, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka aqalka golaha guurtida Somaliland Md.Siciid Jaamac Cali. "Waxaa ogalaaday in xilkii laga qaado guddoomiyaha maxkamada Sare Md.Yuusuf Ismaaciil Cali 80xubnood, waxaa diiday 32 xubnood, waxaa ka aamusay 15xubnood, guddoomiyahuna muu codayn, kooramkuna waxaa uu ahaa 128 mudane, sidaas ayaan xilkii lagaga qaaday guddoomiyahii maxkamada sare ee Somaliland.".Ayuu yidhi Md.Siciid Jaamac Cali.