Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay In Cabdiweli Gaas Somaliland Ka Raaligeliyay Eeddo Ay U Jeediyaan Iyo Maamulka Puntland Oo Beeniyay Raaligelintaas

0
605

Picture8

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in Madaxweynaha maamul goboleedka Somaliyed ee Puntland uu ka raaligeliyay Dawladda Somaliland hadalo dacaayad ah oo ay wasiirada Puntland ku duraan Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo, oo shalay khudbad sannadeedkiisa u jeediyay labada gole Baarlamaan ee Somaliland, wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo raaligelintaas ka timid Madaxweynaha Puntland. Hase yeeshee maamul goboleedka Puntland ayaa beeniyay inay la soo xidhiidheen Madaxweyne Siilaanyo. Madaxweyne Siilaanyo oo arrintaas ka hadlayaa wuxuu yidhi  “In dhawayd waxa ka imanayey Maamuul Goboleedka Puntland dacaayado ka dhan ah qarannimada Somaliland. Haddaba, in kastoo dhawaan uu ila soo xidhiidhay Madaxweynaha Puntland oo uu raali-gelin iga siiyay, waan soo dhaweynayaa raaligelintaas, Somaliland waxaa ka go’an nabad kula noolaanshaha waddamada deriska ah iyo in laska kaashado adkaynta Ammaanka.”

Dhinaca kale maamulka Puntland ayaa beeniyay hadalka Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay sheegeen inaanu Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas la soo xidhiidhin Madaxweyne Siilaanyo. Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle oo saxaafadda kula hadley Garoowe ayaa sheegey inaanu xidhiidh dhex marin Madaxweyne Siilaanyo iyo Cabdiweli Gaas. “Ma jiro  dhex marey Madaxweyne Cabdiweli & Siilaanyo, sida Madaxweynaha Somaliland sheegtay, ma jirto teleefon Madaxweynaha Puntland u direy waa war aan sal iyo baar lahayn.” Ayuu yidhi Wasiirka Puntland.

Waxaanu sheegay inay cadaymo u hayaan eedaha Puntland ay u jeediso Somaliland oo loo arko kuwo aanay waxba ka jirin.