Nin Somali Ah Oo Lagu Eedeeyey Isku Dayga Dilka Wasiirka Difaaca Dalka Denmark Oo La Sii Daayey

0
544

Picture3Copenhagen (Geeska)-  Laba nin oo ah Soomaali iyo Pakistan haysta jinsiyadda dalka Denmark  oo loo qabtay eedo la xidhiidha isku day dil oo ka dhan ah wasiirka difaaca ee dalkaas ayaa xabsiga laga sii daayey khamiistii dorraad.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka The Local ee dalka Denmar ayaa lagu sheegay in booliiska dalkaasi uu ka gaabsaday sii deynta labadan nin, laakiin weli aan dacwaddooda la laalin, balse qareen oo loo qabtay laga dalbaday in ay dacwadda labadan nin wakiil ka noqdaan. Labada qareen mid ka mid ah oo lagu magacaabo Bjørn Elmquist ayaa ku dooday in maadaama oo aanay booliisku labadan nin xabsi ku sii haynin ay taasi muujinayso in kiiska loo hayaa aanu khatar sii ahayn.

Booliiska dalka Denmark ayaa labadan nin ku soo qabtay baadhitaan uu booliisku ku sameeyey guryo  la deggen yahay oo ku yaalla xaafad ka mid ah magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark. Waxaana  markiiba loo diiwaangeliyey dacwad horudhac ah oo sheegaysa in ay qoshaynayeen weerar ay ku qaadaan wasiirka difaaca, in kasta oo wargeyska daily Ekstra Bladet sheegayo in kiiskan aanu booliisku si toos ah ugu xidhiidhin argagaxiso.

Wasiirka difaaca ee dalka Denmar ayaa si adag loo ilaaliyaa intii ka dambaysay markii wiil 22 jir ah oo lagu magacaabo Cumar Al-Xuseyn uu toogasho ku dilay Filimsameeye dalkaas u dhashay iyo nin asalkiisu Yuhuudi ahaa oo aan magaciisa la sheegin, weerarro mataano ahaa oo dhacay 14 kii iyo 15kii bishii Labaad ee sannadkan. Haayadda Ammaanka ee dalka Denmark oo magaceeda loo soo gaabiyo PET ayaa dhowr toddobaad ka hor bilowday in ay si joogto ah u ilaalayso guriga uu deggen yahay wasiir Nicolai Wammen.