Saxafi Ka Sheekeeyey Kulan Dhex Maray Safiirka UK Iyo R/W/ Xigeenka Somalia Maalin Ka Hor Qaraxii Uu Ku Dhaawacmay

0
713

Picture1Muqdisho (Geeska)- Saxafi ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa warbixin uu toddobaadkan baahiyey waxa uu kaga sheekeeyey kulan uu goob-joog ka ahaa oo dhex maray danjiraha Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Neil Wigan iyo raysalwasaare ku xigeenka DFS Maxamed Cumar Carte oo imika dalka Turkiga lagaga daweynayo dhaawacyo maalin kadib kulankan ka soo gaadhay qaraxii hudheelka Central ee magaalada Muqdisho.

Warbixintan oo uu saxafigu kaga waramayo khatarta ku xeeran diblumaasiyiinta joogta Soomaaliya, gaar ahaan danjiraha Ingiriiska u jooga Soomaaliya oo uu isaga si gaar ah ula socday muddadii uu hawlaha shaqo u joogay Muqdisho, ayaa ugu horreyn  waxa uu ka warramay xaaladda danjire Neil Wigan  oo uu sidan ku bilaabay, “Isaga oo jaakeetka aanay xabaddu karin ka dul xidhan shaadhkiisa buluugga ahaa, ayaa Neil Wigan quraaradda daaqadda aanay xabaddu karin ee gaadhiga ka soo dhex eegayey lix tiir oo aan si toosan u qotomin oo ku yaalla xagga hore ee bacaad tuulan. “Tiirar badan oo noocan ah ayaa imika jira” ayaa uu igu yidhi danjire Ingiriiska u jooga Soomaaliya oo ii tilmaamaya tiirarka dilka ee dadka ay maxkamadaha Muqdisho dilka ku xukumaan lagu xidh-xidho marka la tooganayo. Laakiin danjire Wigan oo muujinaya in garsoorkaas shaqaynayaa aanay macnaheedu ahayn in uu dalku hagaagay ayaa intaas ku sii daray, “Ma’aha (Tiirarkani) calaamad gaar ah oo xaqiijinaysa in uu horusocod jiro”

Colaaddu Soomaaliya waa u joogto, ha noqoto mid ay geysanayaan naftood hurayaal is qarxinaya, Jihaadiyiin,  gacan-ku-dhiiglayaal, askar ama garoorku.

Saxafigan oo lagu magacaabo Tristan McConnell waxa uu warbixintan ku sheegay in safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho oo la furay 2013kii ay ku dhex taallo taarka gegida diyaaradaha ee Muqdisho oo uu ku tilmaamay xero ammaankeedu dhaamo meelaha kale ee magaalada.

Kulankii Raysalwasaare Carte:

Intaas kadib waa uu u gudbay kulan uu danjire Wigan subaxnimadii xigtay ugu tegey raysalwasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte.

Danjiruhu waxa uu watay gaadhi aanay xabaddu karin, waxaana la socday ilaalo Ingiriis ah oo ah rag hore uga tirsanaan jiray milateriga Ingiriiska, kuwaas oo ku hubaysan qoryaha M4 Carbines iyo baastoolado.

“Waxaa jirta khatar run ah oo Al-Shabaab ka imanaysa” ayaa uu danjire Wigan ku yidhi saxafiga, isaga oo sheegay in mar kasta oo ay kulan ka qayb galayaan ay is weydiiyaan dhibta ka iman karta, ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Mar kasta oo aanu kulan ka qayb gelayno waxa aanu is weydiinnaa. Toloow ma qalmo khatarta jirta?” Laakiin haddana Danjire Wigan waxa uu ku dooday in amnigu uu iska fiican yahay inta ay shaqada qaban karayaan.

Soomaaliya xukuumad cusub ayaa mar kale loo dhisay, gole wasiirro ayaa la magacaabay horraantii bishan Feebarweri, danjire Wigan waxa uu aad u danaynayaa in uu xubnahaas cusub barto. Danjire Wigan isaga oo ka hadlaya sababta booqashadan uu Carte ugu tegeyo, ayaa intii ay jidka ku sii jireen  waxa uu saxafiga ku yidhi, “Waa kulan madax-u-buuxin ah. Dad badan oo cusub oo runtii aannaan garanayn ayaa yimi”

Raysalwasaare ku-xigeen Maxamed Cumar Carte, waxa uu si gaar ah ugu xilsaaran yahay la shaqaynta deeq-bixiyeyaasha gacanta ka geysanaya barnaamijka Balaayiinta lacag ah ay Yurub ku bixinayso ee loo yaqaanno Hab-macaamilka cusub (New Deal).

Saxafiga oo sida warbixinta ka muuqata kulanka Carte iyo Wiigan goob joog u ahaa ayaa sidan uga waramay, “Raysalwasaare ku xigeenku waxa uu tusaale fiican u ahaa quruxda hawl-xafiiseedka Soomaalida. Waxaa xafiiskiisa ku sharraxnaa dheryo ay ku jiraan ubax caag ka samaysan iyo kuraas-fadhi aad u cufan, oo maas ah, waxaa xafiiska dhex yaallay muraayad talefishan oo ah nooca fidsan. Waxaa iyaguna xafiiska joogay koox gacanyarayaal  iyo la-taliyeyaal ah iyo dad kale oo shaxaad tag ah isugu jira.

“Dowladda Ingiriisku taageere weyn ayaa ay u tahay Soomaaliya” Ayaa uu Wigan ku yidhi Carte, oo ah nin qor-qoran oo lugo dhaadheer oo weyda leh, waxa uu xidhnaa muraayad aan fareen lahayn, waxa aanu lahaa gadh-ceesaan khafiifa oo qurux badanna. “Laakiin marka aan si daacad ah kula hadlo waxaa niyad jab nagu keenay xasaradaha siyaasiga ah” ayaa uu intaas ugu sii daray danjire Wigan.

Carte maamulihiisu, waa raysalwasaarihii saddexaad ee uu Wigan la kulmay 18kii bilood ee u dambeeyey. Iyada oo xurguraha siyaasiga ah ee madaxda sare dhex maraana uu curyaamiyey isbedelladii dastuuriga ahaa ee loo baahnaa in la sameeyo inta aanay dhicin doorashooyinka la qorsheeyey bisha Sagaalaad ee 2016ka.

“Mar kasta waa in aanu dib ug soo bilownaa hawshii hore, si hawlihii iyo sidii aanu u rabnay in ay wax u socdaan aanu dib sidoodii ugu soo celinno” sidaas ayaa uu Wigan igu yidhi markii aanu ka soo baxnay shirkan saacad iyo badh.

Carte iyo Wigan wax yaabihii ay ka wada hadleen, qaar ka mid ah iskuma ay waafaqin, laakiin ugu yaraan mawqifyadii la kala taagnaa ayaa la isla gartay, hawluhu sidii ay u kala muhiimsanaayeenna waa loo qortay. Wigan markii uu ka soo baxayey, ayaa uu Carte ku yidhi, “Guul baanu kuu rajaynaynaa. Waa shaqo adag”

“Waa sidaas, Waa sidaas” ayaanu raysalwasaare ku xigeenku ugu jawaabay.  Laba maalmood kadibna, isaga oo raysalwasaare ku xigeen Maxamed Cumar Carte salaaddii Jimce ku tukanaya masjid ku dhex yaallay Central Hotel oo aan kaba fogeyn madaxtooyada, ayaa lagu dhaawacay weerar is-miidaamin ah oo ay Al-Shabaab soo qaaday, kuna dhinteen 25 qof.