Wasiir Samaale Oo Sheegay Inay Sandule Tahay In La Aqbalo Haddii Madaxweyne Siilaanyo Loo Sameeyo Muddo Kordhin Ay Duruufi Keento

0
624

Picture5Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa jawaab ka bixiyey hadalada ka soo yeedha Xisbiyada Mucaaradka ah ee sheegaya inay Doorashada dib u dhac ku imanayo, isla markaana muddo kordhin ay Xukuumaddo waddo.  Wasiir Samaale oo hadal ka jeediyay xaflad uu hoggaankii hore ee SONYO ku wareejiyay hoggaanka cusub, ayaa wuxuu sheegay in muddo kordhin ay duruufi keentaa tahay qasab in la aqbalo. “Qolada muddo kordhinta ka hadlana, Madaxweynihii hore laba jeer ayaa loo kordhiyey , Axmed Siillaanyo korodhsiimo dooni maayo, waayo  kalsooni ayuu qabaa, haddiise ay timaado  oo duruufta dalku keento suno soo socdayey bay ahayd ee  iyadana  ha diidina.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Wasiir Samaale intaas raaciyay “Sideetan Cododka ugu badan marka la isku daro  boqolkiiba konton ayuu ku soo baxay,, haddii ay korodhsiimo timaado, oo duruuftu keento, mid isaga ka timid maaha, iyadana sandule weeye in la aqbalaa.”

Wasiir Samaale, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ka difaacay inuu muddo kordhin doonayo, isagoo sheegay in Madaxweyne Siilaanyo diyaar u yahay doorasho.