Markabkii Hubka Lagu Qabtay Oo Weli Berbera Ku Xayiran Iyo Xogaha Soo Baxaya

0
555

Picture4Hargeysa(Geeska)-Markabkii dhawaan lagu qabtay dekedda Berbera ee la sheegay inuu sido hub, ayaa weli ku xaniban dekedda Berbera, ka dib markii ay xukuumadu amartay in gaadh culus laga qabto.

Markabka ayuu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade sheegay in lagu qabtay hub, ka dib markii laga dejiyay gaadiid iyo bagaash kale oo uu siday, isagoo intaas raaciyay in baadhis dheeraad ah lagu samaynayo cidda hubkaas leh iyo halka uu u socday. Markabkan oo lagu magacaabo Mc-Shakir ayaa hubka lagu qabtay tiradiisa lagu sheegay lix baabur oo tikniko ay qoryo saaranyihiin ah iyo laash ah nooca dheereeya ee dagaalka.

Waxaana la sheegayaa in kabtanka Markabku sida ay warbaahinta Somaliland qortay uu  ku doodayo in hubka laga soo qaaday Suudaan loona waddo magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka Carabta oo la sheegay in lagu soo bandhigayo carwo hubka ah. Balse waxa markabka laga waayay wax dhukumenti ah oo cadaynaya doodda kabtanka markabka. Ninka markabka iska leh ayaa la sheegay inuu codsaday inuu Emailu ku soo diro dhukumentiga cadaynaya halka uu hubku u socdo, isagoo dalbanaya in markaas markabkiisa loo sii daayo. Balse lama oga in xukuumadda Somaliland aqbali doonto sii daynta markabkan oo uu warkiisa ah inuu hub siday uu wakaaladaha wararka caalamiga ah aad ugu faafay. Si kastaba ha ahaate waxa indhaha lagu hayaa go’aanka ay xukuumadda Somaliland ka qaadato markabkan iyo sida arrintiisa loo furdaamiyo.