10 Qodob Oo Laga Soo Saaray Shirkii U Socday Beelaha Samaroon

0
859

Picture3Boorama(Geeska):-Shirweynahii Wada-jir ee beelaha Samaroon maalmahii ugu danbeeyay uga socday dooxada Gob ee degmada Lughaya ee gobalka Awdal oo si rasmi ah u soo gabo gaboobay, ayaa laga soo saaray go’aamo ay beeshaasi isku raacday in ay dan u yihiin beesha Samaroon iyo sida oo kale guud ahaanba Somaliland, waxaana ay si adag go’aamaaasi ugu tilmaameen in beesha Samaroon ay ayidsan tahay jiritaanka Somaliland, sida oo kalena taageersan tahay adkaynta iyo illaalinta nabad galyada guud ahaan iyo gaar ahaanba gobalka Awdal, waxaa kale oo go’aamadan ay soo saareen ay ku xuseen in si buuxda ay ugu taageersan yihiin  dalabkii hogaanka dhaqanka ee beelaha Samaroon ay u gudbiyeen madaxweyne Siilaanyo. Shirkan, oo muddo Afar cisho ah ka socday dooxada Gob ee degmada Lughaya, ayaa waxaa ka soo qayb galay 700-qof oo ka kala yimi guud ahaanba deegaanada beesha Gud-biirsi ay dagto, kuwaasi oo isagu kala jira waxgarad, madaxdhaqameed,aqoonyahan iyo qurbo-joog, waxaa kale oo shirkaasi ka soo qayb galay ugaaska guud ee beelaha Guda-biirsi ugaas Cabdirashiid ugaas Rooble ugaas Doodi, waxaana go’aamadii shirkaasi ka soo baxay ay u dhignaayeen sida tan:

"Kow:Shirka beelaha Samaroon waxaa uu a yidsan yahay jiritaanka Somaliland. Laba:Shir-weynaha beelaha Samaroon, waxaa uu si buuxda isagu raacay adkaynayaa midnimada iyo wadajirka beelaha Samaroon meel kasta oo ay ku kala nool yihiin iyo in ay u midoobaan adkaynta nabad galyada. Saddex: Shirweynaha Wadajir ee beelaha Samaroon waxaa uu kor u qaadayaa nabad ku wada noolaanshaha dalalka aanu dariska nahay gaar ahaana beelaha aanu ood wadaagta la nahay, waxaana uu ku baaqayaa in waxii khilaafaad yimaada lagu dhameeyo miis iyo wada hadal walaal tinimo. Afar: Shiweynaha beelaha Gudahiirsi ee wadajira,waxaa uu si buuxda u taageeray dalabkii hogaanka dhaqanka ee beelaha Samaroon hore ugu gudbiyeen madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee ku saabsanaa saami qaybsiga wado lahaanshaha Jamhuuriyada Somaliland, waxaana uu si buuxda u adkaynayaa in la helo jawaabta arrinkaasi. Shan:Shir-weynaha beelaha Guda-biirsi,waxaa uu si buuxda u taagerayaa adkaynta nabad galyada guud ahaan iyo gaar ahaanba, waxaana uu ka soo hor-jeeda falalka amni darro ee magaalada Boorama wakhtigan xaadirka ah. Lix:Shir-weynaha wada-jir ee beelaha Guda-biirsi waxaa uu si adag u soo jeedinayaa in sooh dimaha gobalada iyo dagmooyinka loo daayo sidii uu Ingiriisku uga tagay. Todobada:Shir-weynaha beelaha Samaroon ee wadajir waxaa uu dhiiri galinayaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida dhismaha dakada Lughaya oo leh mudnaanta koowaad, dhismaha jidadka iyo wadooyinka diyaarahaba. Sideed:Shirweynaha Wadajir waxaa uu dhiiri galinayaa kobcinta iyo kor u qaadida illaha dhaqaalaha sida beeraha, xoolaha, macdanta iyo ka faa'idaysiga khayraadka bada. Sagaal:Shirweynaha wada jir ee beelaha Samaroon, waxaa uu sida oo kale uu dhiirigalinayaa horumarinta arrimaha bulshada, caafimaadka, waxbarashada iyo qoyska Toban: Shirweynaha beelaha Samaroon waxaa uu si adag uga soo horjeeda xaalufinta deegaanka gaar ahaan dhuxulaysiga waxaana uu laalay dhulka daaqsinka ah in la ooto, oo la kala qoqobo”.Ayuu uu u dhignaa go’aanka beesha Samaroon ay ka soo saartay shirkii ugu soo dhamaaday dooxada Gob ee dagmada Lughaya.