Suldaan Xasan Oo Si Kooban Uga Hadlay Go’aan Uu Sheegay Inay Guddigii Agabar Ku Kala Reebeen Muuse Biixi, Maxamed Biixi Yonis Iyo Cabdicasis Samaale

0
570

Picture5

Hargeysa(Geeska)-Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awdal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, ayaa sheegay in salaadiinta beeshoodu ansixiyeen go’aan uu sheegay inay gaadheen guddiga horumarinta Beelaha Sacad Muuse oo ay ku kala reebeen saddexda murashax ee kala ah guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, wasiirada maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo arrimaha dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis.

Wuxuu Suldaan Xasan oo xalay u waramay shabakadda wararka ee Hadhwanaag News, uu  sheegay in aqlabiyada guddiga horumarinta Sacad Muuse ay isku raaceen in Muuse Biixi noqdo murashaxa xisbiga KULMIYE, madaxweyne Siilaanyo dabadii, sida ay shabakadu qortayna Suldaanku ma bixin wax faahfaahin ah.

Wararka soo baxay ayaa sheegaya in guddiga horumarinta Sacad Muuse oo ka kooban 25 xubnood, ay 24 xubnood shirka fadhiyeen islamarkaana ay 14 ka mid ahi  taageereen in Muuse Biixi noqdo murashaxa xisbiga KULMIYE. Hase yeeshe xubno kale oo ay tiradoodu tahay 11 xubnood ayaa ku doodaya inay codaynta ka hor shirka ka baxeen islamarkaana aanay wax codayn ahi dhicin, waxaanay sheegeen inay maanta qaban doonaan shirjaraa’id oo ay kaga hadlayaan mawduucan islamarkaana ku qaadacayaan natiijada la sheegayo inay ka soo baxday shirkoodaas.

Si kastaba ha ahaate waxa si weyn u muuqda loolan siyaasadeed oo u dhexeeya guddoomiyaha KULMIYE, wasiirada arrimaha dibadda iyo maaliyadda oo salka ku haya murashaxa xisbiga KULMIYE ee bedeli doona Madaxweyne Siilaanyo marka uu kursiga baneeyo. Waxaanay saddexdan siyaasiba siyaabo kala duwan u sheegeen inay xisbiga ka dhex tartami doonaan marka uu Madaxweyne Siilaanyo murashaxnimada xisbiga baneeyo.