Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Xadhiga Ka Jaray Garoon Casri Ah Oo Laga Dhisay Bariga Hargeysa

0
859

Picture1Hargeysa(Geeska):-Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo xadhiga laga jaraayey garoon nooca casriga ee lagu ciyaaro kubada cagta ah oo loogu magac daray Garoonka Horyaalka Somaliland ayaa lagu qabtay xarunta garoonkaasi ee magaalada Hargeysa.

Garoonkan oo laga dhisay bariga magaalada Hargeysa,gaar ahaan xaafada Axmed Macalin Haaruun ayaa munaasibadii xadhiga lagaga jaraayey,waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog,guddoomiyaha garoonka Md:Xasan Cumar Xasan,Salaadiin,Ciyaartoy,dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan. Waxaaan ugu horeyn halkaasi ka hadlay guddoomiyaha garoonka Horyaalka Somaliland Md:Xasan Cumar Xasan(Xasan Ogaal),waxaana uu faah faahin ka bixiyey u jeedooyinka ay u aas aaseen garoonkan casriga ah.  "Haddii aan xooga iftiimin ah aan ka bixiyo,ujeedada aanu u aas aasnay garoonkan,kolay garoomo kale waa jiraan,se garoonkani waxaa uu kaga duwan yahay waa garoon lagu ciyaari karo Afar iyo Labaatanka Saacadood,waa garoon lagu ciyaari karo Lixda Subaxnimo illaa Laba iyo Tobanka habeenimo,waa garoon aanu u dhamays tirnay iftiinkiisii,habeenimo,garoonkanina waa garoon roog ah,isla mar ahaantana halkan aanu joogno awgeed waxa aanu eegnay,in baahi loo qabo,oo xaafadan bariga magaalada Hargeysa ee Axmed Macalin Haaruun ay u baahan tahay garoon noocan oo kale ah,taas ayaana nagu qasabtay in aanu dadaal dheer,oo quruxdan iyo allaabtan taala ee aad aragtaan nagu kaliftay in aanu u samayno,runtiina samaynteedu wakhti badan ayaa ay nagu qaadatay,se waa Illaahay mahadii mar hadii aanu maanta u joogno xadhi ka jaristiisii".Ayuu yidhi Md:Xasan Cumar Xasan(Xasan Ogaal) Suldaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dhalinyarada maanta wakhtigan joogta ay ka nasiib badan yihiin dhalinyaradii ka horeysay,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in aanay iyagu barigii hore aanay heli jirin garoomo sidan casri u ah oo roog doog ah la dhigay,iyo sida oo kale dhinaca waxbarashada oo iyadana tilmaamay in dhalinyarta hada joogta ay uga fursado badan uga nasiib badan yihiin kuwii hore.

"Waxaa noo sharaf ah in aanu idin kala soo qayb galno garoon noocan oo kale ah,runtiina dhalinyarada cuslaatay ee kubada soo ciyaari jirtay aniga oo ka mid ah,aad iyo aad ayaa ay nooga fursad wanaagsan yihiin dhalinyarta hada joogta,waayo anagu wakhtigayagii ma baanan heli jirin garoon noocan oo kale ah oo roog yaalo,dhalinyaradii xaafadan ku soo ciyaartayna ka mid ayaan ahaa oo kolba halka banaan ee magaalada u koonaysa ayuunbaanu tagi jirnay,oo aanu kubada la soo qaban jirnay,maanan lahaan jirin garoon lagu talo galo oo kubada lagu ciyaaro,runtiina hada khataro badana waa ay soo kordheen oo dee tahriibkana maanu aqoon,fursado badan oo dhinaca waxbarashada iyo ciyaaraha ahbana waad hesheen,waar waxaan leeyahay dhalinyaradu waxa wanaagsan ha qaadato"Ayuu yidhi Suldaan Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay garoonkan casriga ah ee laga dhisay bariga magaalada Hargeysa,waxaana uu carabka ku dhutay in garoomada noocan oo kale ah hore uu ugu yaqaanay dalka Ingiriiska waagii uu macalinka ka ahaa,isaga oo tibaaxay in uu aad ugu faraxsan yahay in garoomadii dunida laga dhisi jiray maanta laga hir galiyo magaalada Hargeysa. "Farxad wayn ayaa ay ii tahay in aan ka soo qayb galo,furitaanka garoonkan casriga ah,oo garoomo sidan oo kale ah waxaan uun dee aan ku aqaanay oo aan ku arki jiray,xaga iyo dee Ingiriiska markii aan macalinka ka ahaa Iskuuladii iyo Kolejyadii(College),waxaana ay lahaayeen garoomo noocan oo kale ah,se waa Illaahay mahadii mar haddii garoomo sidan u casri ah laga hir galiyey dalka,dhinaca garoomadana dee dhibaato ayaa inaga haysato oo dhagax meel dhig oo ka dhaqaaq ayuunbaa uu dalkiiba noqday,waa Illaahay ma hadii mar haddii ay dhalinyaradu iyagu ay samaysanaysteen garoonkan oo waliba ah dhalinyaradii ka soo jeeday Caddaadlay".Ayuu yidhi Xildhibaan Xoog. Ugu danbayntiina waxaa halkaasi soo gunaanaday guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland,sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaaana uu isna dhankiisa uu tilmaamay in uu si aada ugu faraxsan yahay in ay ka soo qayb galaan furitaanka garoonkan casriga ah,isaga oo carabka ku dhuftay in garoomada noocan oo kale ah looga baahan yahay in laamaha dawladu ay fuliyaan,balse uu uga mahad celinaayo dhalinyarada is xilqaantay ee kaalinta banaan buuxisay.