Hadaladii Sarbeebta Watay Ee Uu Cirro Ku Qaabilay Qodobada Ay Guurtidu Gaadhay

0
579

Picture6

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa si rasmi ah u aqbalay go’aamadii ay ergadii guurtidu ku dhexdhexaadisay golaha wakiilada.

Md. Cirro oo ay hadal kooban saxaafadda siiyay markii go’aamada lagu dhawaaqay ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay  “Somaliland waa dalkaygii

• shacbiga reer Somaliland waa shacbigeygii

• Waxaan ahay u-adeege u daacada dalkiisa iyo dadkiisa

• Xilalka iyo danahaa gaarka waxa igala weyn qaranimada Somaliland

• Dhamaan mudanyaasha Golaha wakiilada JSL mucaarid iyo muxaafid waa mudanayaashaydii

• La dagaalanka qabyaaladu waxaa sababta ugu weyn ee loo abuuray Xisbiga WADDANI

Arrinta maanta iyo Guurtida waxaan ka taagnahay halkii Xaaji Faarax Suusle ee uu sameeyey waxaan hore uga dhicin Somaliland iyo dadka Af Somaaliga ku hadla oo ahaa in nabadda awgeed KABAHA ILKAHA LAGU QAADO.
Anigoo aan ka garnaqsan wax igu daw ah, iyo waxaan igu daw ahayn, wax sharci ah iyo waxaan sharci ahayn , maadaama aan kalsooni siiyay guddida xeer beegtida Golaha Guurtida, danta guud awgeed waan aqbalay Go,aanka Golaha Guurtida.”

Guddoomiye-xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarx, oo horkacayay mooshinka guddoomiye Cirro la doonayay in lagu rido ayaa isna yidhi  ”Wax walba waxaanu ka horaysiinaynaa danta qaranka.iyadaa ka wayn wax kasta oo jira,sidaa Gudoomiyuhu sheegayna wixii xeer ah iyo xeer aan ahaynba Xeer beegti ayaa dhexdhexaadinta gashay oo waa Maslaxad uun ee Guurtidu Sharcigii may marin laakiin wax kasta oo ay tahay sidaas ayaanu ku aqbalay”