Guddoomiye Baashe Muxuu Ka Yidhi Eedaha Xildhibaabada Iyo Fadhiga Wakiilada Ee Sabtida

0
575

Picture5Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, oo ka mid ah Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, ayaa ka hadlay Xeerka Diiwaangelinta ee dhawaan Golahoodu ansixiyey ee Golaha Guurtidu dib u soo celiyey, ee muranka ka dhex dhaliyey Golahooda Wakiilada, waxaanu sheegay in la raaci doono Xeerka ay Golahoodu ansixyeen, waxaanu xusay inuu yahay Xeerkaasi kii rasmiga ahaa, dibna loogu noqon doono.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa isaga oo si gaar ah ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika sidoo kale ka hadlay Muranka ka dhex aloosan Xildhibaanada Golahooda oo u kala qeybsamay Kulmiye iyo Waddani, waxaanu sheegay in wax kasta oo ay iskugu jawaabaan lagu kala bixi doono Golaha, oo uu sheegay in kal-fadhiga ay iskugu imanayaan, oo ku beegnaa Sabtida in dib loo dhigay, lagana dhigay Maalinta Axada, madaama ay Sabtida ku beegan tahay Mawlitul Nabiga.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Safarka Boqorka Guud ee Daarood Boqor Burhaan uu ku marayo qaar ka mid ah Gobolada dalka, waxaanu sheegay in Safarkaasi yahay safar Dhaqameed, oo Salaadiintu meesha ay doontu tagi karaan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay   “Sabtida ayaanu iclaaminay kal fadhiga, Sabtidana waxa ku soo beegmay Mawlatul Nabiga, Maalintaasna fasax ayaa la yahay, markaas Axad ayaa kal fadhigu Goluhu bilaami doonaa haddii ILLAAHAY yidhaahdo”

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada ayaa mar uu ka hadlaayey Xeerka ay Golaha Guurtidu dib ugu soo celiyey ayaa yidhi “Xeerka Diiwaangelinta Muran ayaa ka taagan, Labada Gole ayaa isku celceliyey, laakiin waxa la raacaya uun Xeerkii uu Goluhu ansixiyey, oo dib loogu noqonaya, oo Xeer ayaa la ansixiyey, kaas ayaana ah kii rasmiga ahaa”. Mar aanu Guddoomiye ku xigeenka wax ka weydiinay sida uu u arko Shirarkii jaraa’iid ee iska soo horjeeday ee ay qabteen qaar ka mid ah Xidhlbinada kala taageersan Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ayaa ku jawaabay “Wax kasta oo ay iskugu jawaabeen arinkani Golaha ayuu imanayaa,markaas Golaha ayaa lagaga hadlaya xeerka loo codeeyey, markaas Golaha ayuunba qaraar ka qaadan doona, xeerka la qaadan doono”.

Mar aanu Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada wax ka weydiinay sida uu arko Safarka Boqorka Daarood uu ku marayo Gobolo ka mid ah Somaliland ayaa ku jawaabay “Waxa ay ku xidhan tahay waxa uu la yimid, haddii ay dhaqan tahayna Salaadiintu meel walba wey tagaan, sida aan anigu maqlayna waa arin dhaqan, markaas Salaadin Xamar ka yimidba Hargeysa ayey yimadeen, kuwa inaga ahina Garoowe ayey tageen, haddii ay dhaqan tahayna wax dhibaato ahi kuma jiraan, laakiin haddii ay ka soo baxdo wax Siyaasad ahi markaa waa laga wada hadlayaa, laakiin ilaa hadda waxa ay leeyihiin waa Dhaqan, Salaadintuna Gobolka ay doonaan wey tagi karaan.”