“Khilaafka Golaha Wakiilada Waxa Ka Dambaysa Xukuumada”

0
640

Picture4Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane) oo ka tirsan XIldhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Kheyraadka Golaha Wakiilada, sidoo kalena ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa dhaliilo iyo cambaarayn culus u soo jeediyey Xukuumadda Somaliland ,qaar ka mid ah XIldhibaanada Golaha Wakiilada, gaar ahaan kuwa Muxaafidka ah ee Kulmiye ku jira, waxaanu sheegay inay qas iyo dhib ka wadaan Golaha dhexdiisa.

Xildhibaan SIciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ku eedayey inuu dhinaca u janjeedhsamay, oo uu Xukuumadda taageeray, isla markaana Xildhibaan uu qudha uu dartii u soo celiyey Golihii la ansixiyey.  XIldhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xukuumadda Somaliland ku eedayey inay rabto qorsho ay ku baabiso Labada Gole ee Sharci dejinta, isla markaana kulan gaar ah oo dib loogu dhigayo kal-fadhiga Golaha Wakiilada lagu yeeshay Guriga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waxaanu sidoo kale tilmaamay in khilaafkani ka dhex jira labada Gole uu ka soo bilaamay dalka Ingiriiska, waxaanu xusay in xaalada dalka ka taagani aanu Madaxweynuhu wax badan kala socon. Xildhibaan SIciid Gaane ayaa sidoo kale ka hadlay qodobo badan oo uu ku dhaliilayo Xukuumadda, waxaanu isaga oo airmahaas ka hadlaya yidhi  “Waxaan doonaya inaan ka hadlo xaalada cakiran ee Wadanku marayo Maanta, markii hore waxa aanu ka hadli jirnay inay Dalka ragaadisay Musuqmaasuq iyo Maamul xumo, Maanta wey soo dhaaftay intiiba, waxa ay maraysa hadda in lagu kala tago oo Wadanka rabash la galiyo, oo Raggani qas iyo rabash galiyaan, oo khatar ayuu Maanta Wadankii daaqaya,  khatartaas noo muuqata waxa ay tahay in marka ay wax dhacaan in dawladdu caadaysatay oo ay sameeyn jirtay in Golaha oo ay ku leedahay Xildhibaano Caqligooda iyo Calooshadu Madaxtooyada u yaalin inay dhaq-dhaqaajiso, oo Golaha rabashad ku geliso, oo Golaha dhexdiisa qas ka abuurto,meel ayaa inoo badqabtay oo Guurtida oo loo noqon jiray, Guurtiduna Maanta noqotay meel ay Dawladdu dhaqaajiso, oo ay ku qasantay Xukuumaddu, oo Xildhibaanadii ay Maskax iyo Maanba ka haystay ayey Guurtiduna raacday, Guurtida oo dhana maaha Guddoomiyaha Guurtida waxa uu ka mid noqday oo uu ku biiray Xildhibaanadii Caqligooda iyo Calooshaduba Madaxtooyada yaaleen, ee Xukuumaddu gacanta ku haystay, ayaan jirta weyn weeye, baqdin weyna waan ka qabaa” Xildhibaan Siciid Gaane oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Mar Haddii Xukuumaddii jirtay Golaha Sharci dejinta ugu tala-gashay inay baabiso,  waxaas oo dhami ka dhacayaana wax kale maaha ee waa Sharci la;aan iyo Musuqmaasuq ay doonayso inay ku shaqayso, iyo wada hadaladii inta badan jiitamayey ee ay lahayd Xamar baan la hadlaynaa ee waxa ka socda aan war loo hayn ayaa la doonaya in nidaamka Wadanka lagu baabiyo, baroortu Orgiga ka weyn ee waxaan dadka u sheegaya in la doonayo in nidaamka iyo kala dambeynta la lumiyo, isla markaana ay u eeg tahay midhihii ka soo baxay wada hadaladii  qarsoona ee Xukuumaddu la gali jirtay Xamar, waxaan leeyahay dadka ilaashada Somaliland , qaranimadiina iyo madax banaanidiina iyo gooni isu-taagina, intaas oo ay Xukuumaddu mugdi galisay”. Xildhibaan SIciid Gaane mar uu ka hadlaayey in Xukuumaddu aanay diyaar u ahayn Doorashada waxa uu yidhi “Mar hore ayeynu aragnay in aanay Xukuumaddani diyaar u ahayn Doorashada, waxaana daliil u ah in aanay Doorashada ogolayn, Dastuur ayuu dalku leeyahay, Dastuurkaasina waxa uu sheegaa labada Gole sida ay u shaqayaan, Xeerkii aanu ansixinay ee aanu 64-Xildhibaan ku ansixinay,Golaha Guurtidu wey soo celiyeen si aan sharci waafaqsaynayn, Golaha Guurtiduna muu soo celin ee Guddoomiyahooda ayaa soo celiyey, oo Inan keliya oo uu Adeer u yahay oo Golaha Wakiilada ka tirsan ayaa diiday,64-Xildhibaana wey ogoladeen, Inankii ayaa ka daba tagay, oo Guddoomiyaha Guurtida Inankii ayaa caqligiisa noqday, waanu soo celiyey, halkaas Inanka Siilaanyo iyo Saleebaan ayaa Adeer u ah, oo Inankaas ayaa warqad cabasho ah u geeyey Saleebaan, Golihii dhammaana waxa uu noqday in fikirkoodii la qaadan waayo Inana fikirkiisa la qaato, oo Xeer walba cod ayaa lagu ansixin jiray, ee sidee ayuu dalku u soconayaa in marka Xeer cod loo qaaday dib loo soo celiyo, sida ay tahayna marka Xeer cod loo qaado in halka loo bataa ay Sharci ahayd, Maanta Saleebaan waxa uu ansixiyey in xeerkasi ansax ahayn, ee Afar Xildhibaan haddii ay dalabato in aanu xeer ansax ahayn muxuu sameeynaya?”. Xildhibaan Siciid Gaane oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa  jira waxyaabo badan oo ay Maalmahan qorshaynaysa Xukuumaddu oo ah qaska, burburka  iyo inay Dagaalo abuurto wey waday, waxaanu ka lanahay Xeerarkaasi, Agaasimaha Macdantu, waa kii maalintii dhawayd lahaa heshiis ayaanu la galnay Shirkada Shiinaha, Wadankii waxa uu galiyey mugdi, oo Macdanaha qaar ayaa ka mamnuuca in dalka laga qaado. Iyada oo la isku haysto Shirkadaha heshiiskoodii in la yidhaahdo Ciidamo ilaaliya Shidaalka ayaanu sameeynaynaa, oo si toos ah ayey Xukuumaddii Burcad iskugu badashay, oo sharciyadii arkayna ayey Burcad isku badashay, haddii arintu Xeerka iyo Sharciga ka tagto, waxa soconaya ma jiro,oo Ciidankoodu CIidan beeleed ayuu noqonayaa, Ciiidan beeleedna wey iska hor imanayaan, waxaan arkaayey boqol iyo lixdan gaadhi oo la yidhi Xukuumadda ayaa soo dajisatay oo Ciidan beeleedka loogu talagalay, oo Sharci ay ku aasaasan yihiin iyaga iyo Shirkadaha la leeyahay wey ilaalinyaan ma jiro”. Xildhibaan Siciid Gaane ayaa mar uu ka hadlaayey Xeerkii uu Madaxweynuhu ku aasaasay Ciidankan iyo Shirkadii ku guulaystay qandaraska Tababarkooda aya yidhi “Ceebta taagan ee kala ayaa ah in la yidhi Shirkado ayaa u tartamaya Ciidamaadaas, Labadii Habeenimo ayuu Madaxweynu ku dhawaaqay waxa uu ku sheegay inuu ku soo saaray Digreeto Madaxweyne iyo Xeer Madaxweyne in la abuuro Ciidamo ilaalinaya Shirkadaha Shidaalka, Siddeedadii Subaxnimana Shirkad habla ayaa gashay ayaa la  yidhi, musuqu halka uu gaadhay bal eega, ma wax la qadaan karaa, taasina waa rabashad kale oo dalka la galinayo, meelo badan ayey Xukuumaddu dagaal  ka bilawday, oo ILLAAHAY SWT marba bakhtiiya, waxaana ka mid ah Baliga Diiriye Guuleed, waxa ka mid ah kuwa ay hadda Sanaag ka wado, waxa ka mid ah Deegano cusub oo ay dad lacag ku siisay oo ay tidhi dega,  waxaana leeyahay Bulshadu waa inay Nabadooda ilaashadaan, oo aanay raacin waxa ay Xukuumaddu maleegayso”. Xildhibaan Siciid Gaane ayaa mar uu ka hadllaayey kulanka ka dhacay Guriga Madaxweyne ku xigeenka iyo safarkii Madaxweynaha ayaa yidhi “Waxa layaab leh in mar kasta oo Madaxweynaha iyo Inamada wax u yeedhiya ay Dibada u baxaan, waxa ay ku soo hambaaruraan waxa Golayaasha ka socda, Golayaasha ma iyaga ayaa maamula, qaskan Golayaasha laga bilaabayna waxa laga soo yeedhiyey Ingiriiska,iyada oo la doonayo in wada shaqayntii Golayaasha mugdi la galiyo, waana fikir yimid intii Dibada la joogay,sidii tii hore oo kale ayaa waxa lagu shiray Guriga Saylici, iyaga oo ay goob joog ka yihiin Xubnaha tirsan ee Golaha Wakiilada ee Calooshada iyo Caqligooda ay Madaxtooyada yaalaan, Golaha oo dhana maaha ee waa Xubno caan ah, waxayna go’aansadeen Saddex qodob, oo ka ah in Xeerkaas mugdi la galiyo oo Saleebaan laga codsado inuu soo celiyo, in Komishankaas la hayo waraaqahoodii, Maanta ayaa la leeyahay wey soo gudbiyeen si Doorashada loo diido, Shalay ayaa lagu dhawaaqi lahaa Shirkadii heshay Qandaraaska Diiwaangelinta balse wakhtigeedii waa la dhaafiyey, waxa kale uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu ku baaqay in Sabtida la isku yimaado, waxaana Gurigaas lagu go’aamiyey in aan la iman oo la baajiyo”.  Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey doorka uu Madaxweynuhu ku leeyahay Xukunka dalka ayaa yidhi “Gaadhigu uu af duuban yahay, meel uu tagayana war uma hayno, Gaadhiga Inanka Darawalka ka ah ee ay dadku doorteen inuu hurdo iyo in kale garan mayno, Gaadhigii faraha ayuu ka baxay, naga muruxsay Ninkii, Sharcigiina ka muruxsay, Dadweynaha ayaanu Wakiil ka nahay waxa aanu leenahay Ninkii iyo Xukuumaddii Sharcigii wey ka muruxsadeen, meel lagu socdana ma naqaano.”