Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Oo Lagu Dilay Degmada Qori-Lugad Ee Togdheer

0
509

Picture6Burco(Geeska)-Askari ka tirsan ciidanka qaranka, ayaa shalay gabal dhicii toogasho ku dilay laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka oo madax ka ahaa guutada 17aad ee degen magaalada Qori-lugad ee gobalka Togdheer.

Labada sarkaal ee geeriyooday ayaa kala ah abaanduulihii guutadaas Qori-lugad degen Marxuum Maxamed Yuusuf iyo taliyihii hawlgelinta guutadaas Marxuum Jaamac Maxamuud. Ninka dilka gaystay ayaa ahaa askari ka tirsan ciidanka qaranka. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidanka qaranka oo ku saabsan dilka labada sarkaal. Alle haw naxariisto labadaas sarkaal ee ka tirsanaa ciidanka qaranka, ciidanka iyo ehelada ay ka baxeena samir iyo iimaan haka siiyo. Aamin.