Bulshada Reer Hargeysa Oo Ka Warwarsan Carruuro Muddooyinkan U Dambeeyay La Afduubayey Iyo Dareenada Walaaca Leh Ee Ku Xeeran

0
481

Picture7Hargeysa(Geeska)-Bulshada magaalada Hargeysa ayaa si weyn uga walaacsan warar muddooyinkii u dambeeyay soo baxayay oo sheegaya in falal afduub u muuqda lagula kacay carruur ay da’doodu u dhaxayso 10-15 jir, kuwaas oo la qafaasho marka ay dugsiyada ku socdaan.

Falalkan oo labadii bilood ee u dambeeyay isa soo tarayay ayaa waxa qaar ka mid ah wiilal falkaas lagula kacay oo soo baxsaday ay sheegaan in si qafaal ah loogu rido baabuur gaar ah, lana geeyo guryo ku yaala magaalada Hargeysa. Waxay dhallinyarada qaar ka mid ah oo uu Geeska Afrika la kumay ku doodayaan in guryaha la geeyay ay ku jiraan ubad kale, “Anigu waan ka soo baxsaday oo dayrka ayaan ka soo booday.” Sidaas ayuu yidhi mid ka mid ah wiilashan oo isagoo anfariirsan waalidkii la socday.

Si rasmi ah looma garanayo sababta ugu weyn ee ka dambaysa afduubka carruurtan, waxaana qaarkood laga soo qabtay gobalada bari ee dalka. Waalidka qaarkii ayaa ku doodaya in afduubka carruurtu uu la xidhiidho xubnaha muhiimka ah ee jidhkooda oo la doonayo in lagala baxo si looga ganacsado, halka ay qaar kalena arrimo kale ku doodayaan.

Ciidamada Booliska Somaliland oo arrimahan si dhow ula socda, ayaa la sheegay inay wadaan baadhis ay ku hayaan afduubyadan la soo werinayo, waxaanay waraysiyo kala duwan la yeesheen carruurta sheegaysa in falalkaas lagula kacay.

Waalidka ayaa si weyn uga war-warsan arrimahan carruurta la soo dersay, “Waxaanu noqonay gaadhy oo marka ay carruurtu iskuuulka ku sii socdaan iyo markay ka soo socdaanba waa inaanu daba soconaa si aanu uga ilaalino balaayadan la sheegayo.” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah waalidiinta reer Hargeysa.

Si kastaba ha ahaate magaalada Hargeysa oo marba marka ka dambaysa sii balaadhanaysa ayaa dhibaatada noocan ah ee ku soo korodhay waxay noqonaysaa arrin halisteeda leh oo soo waajahday guud ahaan umadda.