Xukuumadda Iyo Xisbiyada Mucaaradka Oo Bilaabay Wada Hadal Ku Saabsan Diiwaangelinta Khilaafka Abuurtay

0
451

Picture6Hargeysa(Geeska):-Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa shaaciyey in wadahadal ku saabsan sidii xal looga gaadhi lahaa Khilaafka muddooyinkii danbe ka taagnaa Diiwaan-gelinta Madaniga ah ay la bilaabeen Xukuumada Somaliland.Waxaana ay sheegeen in wada-hadalkan ay la yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha Md:Cali Maxamed Waran-Cadde Iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md:Xirsi Cali Xaaji Xasan.Iyaga soo sida oo kalena carabka ku dhuftay in aanay illaa hada wax go’aan ah oo ay isla gaadheen aanay jirin,balse ay ay maalinta bari ah(Maanta) ay rajaynayaan in kulan balaadhan oo ay si wada jira u yeelan doonaan Xisbiyada Qaranka(KULMIYE,WADDANI iyo UCID),Xukuumada,Iyo sida oo kale garyaqaano lagu soo afjari doono khilaafkaasi ka taagan Diiwaan-gelinta Madaniga ah.

Shir-kan jaraa’id ee ay shalay sida wada-jirka ah u qabteen Xisbiyada Mucaaradku ayaa waxaa ka hadlay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Maxamed Cabdilaahi Uur-Cadde Iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Md:Naasir Yuusuf Qodax.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Md:Naasir Yuusuf Qodax oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey kulankan ay ka Asxaab ahaan ay la yeesheen Xukuumada Somaliland.

"Waxaanu maanta halkan aanu ka cadaynaynaa khilaafkii adkaa ee maalmihii Xeerka Diiwaan galinta Madaniga ah iyo Codbixiyeyaasha,ee maraaxilka maraayey ee Golaha Wakiilada aad ogaydeen waxii ka taagnaa,ayaanu maanta waxaanu halkan aanu u nimi in aanu cadayno in aanu Axsaab ahaan Labada Xisbi Mucaarad(WADDANI iyo UCID) Iyo Xubno ka mid ah Wasiirada oo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxtooyada in ay wada hadal noo socdeen,oo aanu ka wadahadlaynay in ay qodabo kamid ah xeerka isfahan guud laga sameeyo,si markaa khilaafkan jira looga baxo,imikana aanu kulmi doono bari ayaanu doonaynaa in aanu arrintaas aanu bulshada u cadayno,Illaa hadana ma jiraan wax xal ah oo isfahan guud ah oo aanu gaadhnay ma jiraan ,wadahadaladuna wali waa ay noo socdaan,waxaanan jecel nahay illaa inta ay wadahadaladu ay dhamaanayaan in aan laga hordhicin oo aanu labadayada dhinacba aanu ku heshiinay in aan laga hordhicin,Waxaa kale oo muhiim ah in aanu wadahadaladayada bari ay nagu soo kordhidoonaan Xisbiga Muxaafadka ah oo aanu noqon doono Sadexda Xisbi Qaran,iyo sida oo kale Laba Garyaqaan oo iyaguna eegi doona waxii farsamo ah ee xeerka Khuseeya in aanu isku imano baritoole oo aanu xal waara ka gaadhno arrintan Diiwaan-galinta"Ayuu yidhi Md:Naasir Yuusuf Qodax

Md:Naasir Yuusuf Qodax oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay u jeedada ay Xukuumada ula bilaabeen wada-hadalkan,waxaana uu sheegay in  aanay doonanayn in ay bulshada lagu wareerin khilaaf-yada caynkan oo kale ah,sida oo kalena aanay dadka cadawga la ah aanay uga faa’idaysan waxii arrimo ah ee jira waxaana uu yidhi:

"Ujeedada aanu wadahadaladaas aanu u galaynaa waxa weeye in aan Umaddan aan mar danbe khilaaf,Yooyootan iyo muran danbe aan la galin aanay inagu soo baxsan ayaan u yeelnay wahadaladaas jira in aanu ku dhamaysano maadaama ay doorashooyinkii ay inagu soo food leeyihiin,maadaama ay diiwaan galintii ay inagu soo food leedahay,maadaama ay Somaliland cadaw badan ay leedahay oo markaa in aan gudaheena aan laga faa'idaysanee waxii gudaheena ah in aynu is afgarad iyo wada tashi aanu ku dhamaysano".

Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo isna halkaas ka hadlay waxaana uu yidhi:

"Waxaanu shirkan Jaraa'id aanu u qabanay in aanu bayaamino hawlo maal mihii u danbeeyey taagnaa oo ku saabsanaa Xeerka Diiwaan galinta Madaniga ah ee Golaha Wakiilada La-horgeeyey oo qodobo ka mid ah ay Mucaaradkuna si u arkaan,Xukuumaduna si kale ay u aragto,markaa waxaan jecel nahay in aanu inyar aanu wax ka iftiimino halka ay Xisbiyada iyo Xukuumada ay wax u marayaan,runtiina Xisbiyada Iyo Mucaaradku arrintan muddo dheer ayaa ay ka shaqaynayeen,iyo waliba Xisbiga KULMIYE-ba meel fiicana waa ay soo gaadhsiiyeen,itan danbe ee Khilaafku uu jiraa waxa weeye Xeerka Iyo Qodabo ku jira oo laysku afgaran waayey,markaa Waxaanu kulmay Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumada oo ay ka socdeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland,markaa waxaanu ku heshiinay in waxii carqaladaynaaya si ay doorashooyinku ay u dhacaan,oo ay dalka doorasho xalala ahi ay uga dhacdo,Diiwaangelinta Madaniga ahina ay u qabsoontoonto oo iyadana aanay wax dhibaato ahi aanay uga hor iman,in aanu xal isla gaadhno oo Xisbiyada oo isku dhan iyo Xukuumaduba ay meel wax isla dhigaan,waayo waa dantii qaranka danta qarankana in meel looga soo wada jeesto ayaa fiican,markaa arrintaasina waa ay socotaa wali wax go'aan laga gaadhay oo meel laysla dhigayna ma jiraan,se waxaanu doonaynaa in aanu barito(Maanta) soo gaba-gabeyno Insha Allah”.

Ugu danbayntii Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde waxaa uu ugu baaqay Mudanayaasha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland in ay tix-geliyaan go’aanka ay sida wada jirka ah ay isula soo gaadhaan Xukuumada iyo Saddexda Xisbi Qaran,waxaana ay uu ka codsaday in ay la sugaan inta ay wadahadladaasi ay soo dhamaanayaan.

“Golaha Wakiilada ee Xeerkaasi horyaalana runtii waxaanu jecel nahay in aanu u sheegno in waxii ay Xisbiyada Iyo Xukuumadu ay gaadhaan oo ah danta umadda,ay raacaan inta ka horeysana ay sugaan"Ayuu yidhi Md:Maxamed Cabdilaahi Uur-Cadde.