Laanta Socdaalka Gobalka Gabiley Oo Gacanta Ku soo Dhigay Tahriibayaashii Ugu Badnaa Ee U Dhashey Dalka Itoobiya

0
626

Picture2Hargeysa(Geeska)-Ciidanka Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ayaa maanta gacanta kusoo dhigey tahriibyaal u dhashey dalka Itoobiya, oo isugu jira rag iyo dumar islamarkaana, ka kooban dhamaan qowmiyadaha dalka Itoobiya.
Taliyaha Ciidanka Laanta  Socdaalka Gobolka

Gabiley,Gaashaanle Cabdirashiid Axmed Xasan oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews uga waramey tahriibayaashan ay gacanta kusoo dhigeen ee u dhashey dalka Itoobiya ayaa, sheegay in ay kasoo qabteen iyagoo ku dhuumanaya Beeraha GeedBalaadh halkaas oo la doonayay in lagaga qaado baabuur loogu gudbinayay dhinaca Magaalada Burco oo howdka ka gudbaya. "Waxaanu kasoo qabaney Dhinaca Geedbalaadh todobaatan qof oo tahriibayaal ah oo shan iyo toban kamid ahi yihiin dumar kuwaas oo isugu jira qowmiyadaha dalka aynu jaarka nahey ee itoobiya, waxey ku dhuumanayeen beeraha Degmadaasi Geedbalaadh markaa halkaas waxa la damcasanaa in lagaga qaado baabuur oo loo gudbiyo dhinaca Magaalada Burco haseyeeshee, ciidanka laanta socdaalka Gobolka Gabiley,qeybtiisa Tog-Wajaale ayaa ka howlgaley oo heegan ugu jira mar walba sidii ay ula tacaali lahaayeen Tahriibayaasha labada dhinacba,hada waanu taxaabney, waxaananu u gudbin doonaa dalkooda Itoobiya ayaanu ku wareejin doonaa, marka todobaadkii u dambeeyay aanu isku darno intii aanu qabanay tahriibayaashan kama yara ilaa shan boqol oo badankoodu u dhashey dalka Itoobiya"Ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Gaashaanle Cabdirashiid Axmed Axmed Xasan.

Waxa kale oo Taliyuhu intaa ku darey hadalkiisa in ay awal tahriibyaal,qaban jireen u badan qowmiyada oromada laakiin ay hada kuwani yihiin itoobiyaan dhameys tiran. Ugu Dambeyntiina Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley gaashaanle Cabdirashiid Axmed Xasan waxa uu digniin adag u direy Gaadiidleyda
Somaliland ee qaada tahriibayaashan, in talaabo adag laga qaadi doono hadii ay ka waantoobi waayaan qaadista iyo rarka ay rarayaan tahriibayaasha noocan oo kale ah,waxaanu ka codsadey Dadweynaha Deegaanada ay marayaan in ay soo wargaliyaan ciidanka Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley,waxaanu u mahad celiyay Maamulka Degmada Geedbalaad isagoo,sigaar ah ugu mahadnaqey Gudoomiyaha Degmadaasi Cabdi/dhiif. Ma aha markii u horeysay ee Nooceeda ah oo Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley saldhigeeda Tog-Wajaale soo qabtaan tahriibayaa u dhashey dalka Itoobiya oo ugudbaya dhinaca Puntland iyadoo maalintii alle keenaba laga qabto Xuduuda Tog-Wajaale iyo nawaaxigeeda tahriibayaal labada dal isaga gudbaya,iyo waliba tuulooyinka ku teedsan dhinaca xuduuda u dhexaysa labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland.