Nicholas Kay Oo Xalay Hargeysa U Hoday, Taageerana Balan Qaaday

0
676

Picture5Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland gaadhay ergayga Qaramada Midoobay Nicholas Kay, ka dib sannad iyo laba bilood oo ay Somaliland cadho ku kala maqnaayeen.

Ergayga waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda md. Mawliid Maxamuud Ibrahim. Warsaxaafadeed ka soo baxay afhayeenka xafiiska UNSOM ee danjire Nicholas Kay, oo uu ku saxeexnaa afhayeenka UNSOM Aleem Siddique, ayaa lagu yidhi sidan  “Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaliya Nicholas Kay ayaa saaka [shalay] yimid Hargeysa, caasimadda Somaliland, wuxuna ballan qaaday in la kordhinayo taageerayada Qaramada Midoobay. 

Inta uu booqashada ku joogo Somaliland Nicholas Kay wuxu la kulmi doonaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire si ay uga wada hadlaan fursadaha lagu kordhin karo waxqabadka Qaramada Midoobay ee dhinaca nabadda, xasiloonnida, iyo horumarka dadka reer Somaliland.  “Somaliland sannadihii u dambeeyey waxay samaysay horumar baaxad weyn taas oo ay Xukuumadda iyo dadkuba u qalmaan in si dhammeystiran loogu ammaano. Waan ka mahadcelinayaa fursaddan la ii siiyey si aan u daraaseeyo qaabka loo sii kordhin karo loona xoojin karo wada-shaqayn dhex marta UNSOM iyo maamulka Somaliland, taas oo dan u ah dadka” ayuu yidhi Md. Kay. 

Ergayga ayaa saaka wuxuu la kulmayaa Madaxweyne Siilaanyo, isagoo duhurnimada maanta la kulmi doona ururada ka shaqeeya arrimaha bulshada.