Raysalwasaaraha Dawladda Xamar Oo Ka Hadlay Wada Hadalada U Socda Somaliland Iyo Somaliya & Xaaladda Gobalada Bariga Somaliland

0
639

Picture7Hargeysa(Geeska)-Raysalwasaaraha dawladda Muqdisho ee Somaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay wada hadalada u dhexeeya dawladaha Somaliland iyo Somaliya iyo weliba xaaladda ka taagan gobalada bariga Somaliland.

Mr. Cabdweli, wuxuu sheegay in wada hadaladu meel wanaagsan marayaan oo ay dhawaan qabsoomi doonaan, waxaanu sheegay in wejiyadii hore ee wada hadalada lagu gaadhay qodobo muhiim ah “Is afgaradyo dhawr ahina way jiraan, in dadku wada hadlo oo la isku soo noqdo oo la is fahmo, oo xagga dhaqaalaha iyo isu socodka iyo waxyaalahaas oo dhan la fududeeyo, ka dibna waxyaabaha kale loo gudbo, markas meel fiican ayay maraysaa.” Ayuu yidhi Raysalwasaaraha Somaliya oo u waramay warbaahintiisa.

Raysalwasaaraha Somaliya, waxa la weydiiyay aragtida dawladiisa ee gobalada bariga Somaliland, gaar ahaan Sool iyo Sanaag, oo uu weriyaha oo ka socda telefishanka dawladda Somaliya, sheegay inay dagaalo ku dhex maraan Somaliland iyo Puntland, waxaanu raysalwasaaruhu yidhi “Runtii aad baan uga xumahay dagaalada ka dhacaya dhulkaas, dadku in waxay isku khilaafsanyihiin ku xaliyaan wada hadal weeye, markaas in wada hadal lagu xaliyo, taas ayaanu ugu baaqaynaa, waxa kaloon xasuusinaynaa dagaalka iyo weerarku khasaare ayuu keenaa, umad badan ayaa ku barakacda, waxay gacan siinaynaa cadowga oo ay baylah uga dhigaysaa in cadowgu soo dhex galo, markaas waxaan rajaynayaa umadda somaliyed ee khilaafkaasi ka dhexeeyaa inay aad uga fekeraan, annaguna waxaanu ugu baaqaynaa nabad wada hadal dib u heshiisiin.”