“Murashaxa Xisbiga UCID Waa Jamaal Cali Xuseen”

0
516

Picture2Hargeysa (Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Beeniyey in Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis yahay Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbigooda  Doorashooyinka soo socda, isla markaana waxa ay meesha ka saareen in Jamaal Cali Xuseena aanu ahayn Musharaxa Xisbiga. Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi iyo Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee Xisbigan Cabdiqani Ibraahim Salaf oo si wada jir ah shalay Shir jaraa’iid ugu qabtay Xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa ayaa beeniyay warar ay warbaahintu baahisay.  Xoghayaha Warfaafinta UCID Yusuf Kayse.oo isagu ugu horeyn Shirkaas jaraa’iid ka hadlaya ayaa hadalkiisi ku bilabay  “ Maanta (Shalay) oo ay Bishu tahay 23 July ,2014, waxa Xisbiga UCID  si toos u beeninayaa war aan Sal Iyo Raad toona  oo uu baahiyey Wargeyska  Somaliland Today  uu Daacayado Raqiis ah ku Soo Baxay Cadadkiisii Maanta. Wargeysku waxa uu  si qaawan oo runta ka fog ku sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibada Mr: Mohamed Bihi Younis  noqon doono Murashaxa Madaxwenaha Xisbiga UCID ee Doorashada soo socota, iyagoo aan wax daliil ah u hayn, sheeginna xogta intaa le’eg cidda ay ka heleen”.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Tan kale Murashaxa keliya ee Xisbiga UCID waa Aqoonyahanka Jamaal Cali Xuseen, oo aanu hubno in uu soo celin doono  rajadii Shacbiga Somaliland ka Qabeen in mar uun Ummada Somaliland ka mid noqoto Dawladaha Caalamka isla markaana kor u soo qaado Quusta la geliyey, iyadoo aan weli Ictiraaf Caalami ah loo helin, Hankii ay qabeenna uu ku dhex baaba’ay Nidaamka Dowladda Kulmiye ee Qabyaaladda, Eexda iyo Hanti Urursigu Madax maray

Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee Xisbigan Cabdiqani Ibraahim Salaf oo isaguna Shirkaas jaraa’iid ka hadlay ayaa yidhi “Warka ah in Faysal Cali Waraabe Wasiirka Arrimaha  dibadda Maxamed Biixi Yoonis ka dhigayo Musharaxa Madaxweynaha waa been, war sal iyo raad toona leh maaha, wax UCID ka soo baxayna maaha, meel laga keenayna ma garanayno, waxa warkaas faafinaya dad fidmo wada yaal ah, oo doonaya inay Bulshada reer Somaliland kala geeyaan, oo dadka ay ku jaha weereriyaan, waxa jira waxyaabo badan oo u dalkeena iyo Xukuumaddeena ka dayacan oo u baahan in wax laga qoro.”

Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee Xisbiga UCID Cabdiqani Ibraahim Salaf oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Wararkan Beenta ah ee la doonayo in lagu jaha weereriyo Taageerayaasha UCID waxba ka qaadi mayso, Mucaaradadii iyo xilkii aanu Qaranka u haynay, sida la wada  ogyahayna  Musharaxa Madaxweynaha XIsbiga UCID waa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, oo runtii ah Nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah, aad ayaanu ugu faanaynaa, aadna waanu ugu kalsoonahay, Faysal Cali Waraabena waxa uu ku calaamadsan yahay Aabaha Dimuqraadiyada Somaliland,waana Ninkii ku suntanaa hanaanka Axsaabta Qaranka, ee bilaabay isla markaana dhiirigeliyey, isna wax dhaleecayn  ah ma leh, Wargeyska Somaliland Today warkaas been abuurka ah ee uu baahiyey uu soo caddeyn doono halka uu ka keenay”