Wasiirka Biyaha Oo Ka Hadlay Muranka Ka Taagan Biyo Balaadhinta Caasimadda Hargeysa

0
505

Picture2Hargeysa(Geeska) -Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Md Xuseen Axmed Cabdulle ayaa markii ugu horaysay ka hadlay muran muddooyinkii dambe ka taagnaa biyo balaadhinta caasimada Hargeysa, taasi oo ay qaar kamida dadka degani ay ka qabeen tuhuno la xidhiidha in Mashruucaas biyo balaadhinta loo leexinaayo xaafado kale oo aan ahayn kuwii markii hore loogu talagalay mashruuca biyo balaadhinta, waxaana uu meesha ka saaray in mashruucaa biyo balaadhinta ee xaafadaha Gacan Libaax, Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe laga leexinaayo biyaha, isaga oo tibaaxaya in uu qorshahu ahaanayo sidii markii hore loogu tala galay. Md Xuseen Axmed Cabdulle ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxaanu ugu horayn ka ka warbixiyey halka uu hada maraayo Mashruuca biyo balaadhinta ee Caasimada Hargeysa. “Arinta Biyaha ayaa maalmahan laga hadlayay, hadii aan ku horeeyo Mashruuca Xumba-weyne meel fiican ayuu marayaa, markii horena wuu marayay, Laakiin Arintaasi oo hadal haynteedu maalmahan ku badnayd Wasaaradda iyo warbaahinta, hadalkeeduna jiray, waxaan halkan ka caddaynayaa in Hawshii meel fiican marayso. Madaxweynaha Somaliland dhawaan Guddi ayuu u magacaabay Arinta Biyaha” ayuu yidhi Wasiir Xuseen Axmed Cabdulle. Wasiirka Wasaarada Biyaha oo hadalkiisii sii wata ayaa waxaa uu sida oo kale faah faahin ka bixiyey u jeedada loo aas aasay gudi uu Madaxweynuhu u Magacaabay Biyo balaadhinta Caasimada waxaana uu yidhi:“Guddidaas oo haddana la sii kordhiyay waxaa loo xilsaaray, bal haddii wax farsamo xuma ahi jirto,ama arini jirto inay ka hawl galaan, waayo? Biyihii waxaa lagaga cabanayaa si yar oo aan haboonayn oo dadka khalad looga dhaadhiciyay”. Wasiirka Biyaha Somaliland ayaa waxaa uu sida  oo kale uu sheegay in ay ku rajo wayn yihiin in Mashruuca biyo balaadhinta caasimadu uu mari doono halkii loogu tala galay.“ waxaan leeyahay Biyahaasi halkii ay ku socdeen ayay tagayaan, halkii loogu tala galay ayay tagayaan, guddidan Madaxweynuhu magacaabay oo fadhigii labaad yeeshayna waxay wadaan in wixii cillada ah ee jira laga saaro. Waxaan ku rajo weynahay in Biyahaasi dhawaan halkii loogu tala galay iyo qaabkii loo asteeyay ay maraan.” Ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdulle. Ugu danbayntii Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Md:Xuseen Axmed Cabdulle ayaa waxaa uu ugu baaqay  bulshada Somaliland in ay ka digtoonaato in biyaha la soo dhex galiyo arrimo qabyaaladeed iyo mid siyaasadeed toona,waxaana uu tibaaxay in ay labaduba ay halis u yihiin biyaha oo ku xidhan tahay nolosha bani Aadamku. “Waxa kale oo aan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo oo Umadda Reer Somaliland u sheego, Biyahu waa Noloshii, Noloshuna Ciyaar ma gasho, waxaan Umadda leeyahay Biyaha halaga ilaaliyo Qabyaaladda, Siyaasadda labaduba waa u Cudur waana u halis biyaha in la soo dhex galiyo”ayuu yidhi Wasiirka Biyaha Somaliland.