Madaxdhaqameedka Awdal, Selel iyo Gabiley Oo Qaylo-dhaan Abaareed Soo Saaray

0
532

Hargeysa(Geeska) -Madax-dhaqameedka ka soo jeeda deegaanada Awdal,Gabilay Iyo Salal ayaa shacbiga reer Somaliland u soo diray baaq ku aadan qaylo dhaan Abaareed oo ka taagan deegaanadaasi.

Madaxdhaqameedkan oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Boorama ayaa waxaa ay ka codsadeen Xukuumada,iyo guud ahaanba shacbiga reer Somaliland in ay si dag dag ah ay wax ugu soo taraan dadka deegaankaasi ku nool oo ay abaar iyo biyo la’aan bani soo food saartay.

"Waxaanu halkan aanu isagu nimid hadaanu nahay Madax dhaqameedyadii gobalada Awdal,Salal Iyo Gabilay in aanu u sheegno cid alla cidii ay khusayso in ay taagan tahay abaar aad iyo aad u xun oo baad iyo xoolaba tirtirtay,Xukuumadana waxaanu gaadhsiinaynaa in dadkaasi ay u baahan yihiin gurmad dagdag ah"Ayuu yidhi Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac. Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ugu baaqay Qurba joogta iyo ganacstaduba ay ka qayb qaataan sidii ay gurmad dagdag ah a ugu fidin lahaayeen dadka tabaalaysan ee ay abaaruhu haleeleen waxaana uu yidhi:"Qurba Jooga iyo Ganacsatada iyo dadka kale ee Alleh uu wax u dhiibay iyo sida oo kale dawlad iyo Caalamkaba cidii jiidhkeedu uu naxaayo,waxaanu leenahay Umaddaas gurmad dagdag ah ha loo soo gurmado".

Waxaa sida oo kale ka mid ahaa hadaladii madax dhaqameedka halkaasi ka hadlay:"Halkii loo fadhiyaayey waa ay dhaaftay waa ay ka tagtay marka hore baad la'aanbay ahayd biyo la'aanina waa ay gashay,waxa weeye intii Xukuudi ay lahayd halaga qabto oo awoodiinu inta ay tahay ha loo soo gurmado oo wax halaga qabto oo baad iyo biyaba ha loo keeno,waxaanu idin ku boorinaynaa maanta meel la fadhiyo waa ay dhaaftay dadkaasi waa ay leedayaan xoolihii quusashay ku jiraan waxa weeye ha loo kaco cid waliba intii ay hawshaas ku lahayd arrintaa iyada ah wax ha ka qabato".