Wasaarada Daakhiliga Oo Shaacisay Qaadashada Shaqaalaha Diiwaangelinta Madaniga Ah

0
711

Picture1Hargeysa(Geeska)-Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha Md.Cabdisamad Cumar Maal, ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabi doonana qaadashada shaqaalhii ka hawlgali lahaa diiwaangalinta muwaadiniinta.

Agaasimaha guud waxa uu sheegay in jaamacadaha dalka ee dawliga ah lagu gali doono  imtaxaanada shaqaalahaas lagu waadan doono. Waxa uu sidan ku sheegay agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha Cabdisamad Cumar shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxaana isaga oo arimahaas ka hadlaayay uu ydhi“Waxaanu baahinaynaa talaabadii labaad ee baahinta shaqaalii diiwaangalinta muwaadiniinta ka qaybqaadan lahaa, nidaamka shaqaalahaas lagu qorayaana waxa weeye in shaqaalaha laga qaadnaayo jaamacadaha dawliga ah, waxa ay dadka shaqaalaha ahi itaxaanka ku galayaan jaamacadaha gobalada ku yaala waxaana ka qaadaya  macalimiinta jaamacadaha, tusaale ahaan gobalka Awdal degmooyinka Saylac,Lughaya,Baki iyo Boorama shaqaalaha diiwaangalinta ee gobaladaas ka shaqaynayaa waxay imtaxaanka ku qaadanayaan jaamacada Camuud, degmooyinka Gabilay,Hargeysa,Baligubadle iyo Salaxlayna waxay ku qaadanayaan jaamacada Hargeysa iyo Timacade, shaqaalaha diiwaangalinta ee ka shaqaynaaya degmooyinka Sheekh,Berbera iyo degmooyinka kale ee hoosyimaadaba waxay ku qaadanayaan jaamacada Berbera, Burco,Ceerigoobo iyo Laasacaanoodna  waa sida oo kale. Markaas todobadaas jaamacadood ee dalka ayaa lagu qaadayaa imtaxaankii shaqaalaha diiwaangalinta, waxaana qaadaya macalimiinta jaamacadaha, waxaana ka hawlgalaaya haayada shaqaalaha iyo xubno ka tirsan gudida farsamo ee diiwaangalinta qaranka oo u kala bixi doona bari ilaa saadambe gobalada.”

Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha Md.Cabdisamad Cumar Maal  oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxay araaji qabashadu bilaabmaysaa  maalinta Sabtida ah waxaana la soo dhajin doonaa shaqo qeexidii tilmaamaysay shaqaalaha la rabo tilmaamaha looga baahan yahay oo heer jaamacadeed ah, waxaana lagu soo dhajin doonaa dhamaan warbaahinta  iyo degmooyinka ay ka dhacayso diiwaangalintu.waxa iyaguna hawshaas ka qaybgali doono maamulada gobalada iyo degmooyinka iyo taliyayaasha qaybaha oo hawlahooda gudan doona. Markaas waxa inoo bilaabmaaya in aynu qorno shaqaalihii ka shaqayn lahaa diiwaangalinta ee qori lahaa dadka la siindoono aqoonsiga dhalashada, ee lagu xaqiijinaayo muwaadinka reer Somaliland, shaqaalahana waxa laga qori doonaa gobalada ay joogaan ee ay ka shaqayn doonaan, waxaana lagu qaadan doonaa shuruudo ay ka mid yihiin inuu qofku wax ka yaqaano IT-ga”