Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Oo Xilka Iska Casilay Iyo Afhayeenkii Guddiga Oo Guddoomiye Loo Doortay

0
775

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyihii komishanka doorashooyinka qaranka Eng.Ciise Yuusuf  Maxamed, ayaa iska casilay xilkiisii guddoomiyenimo, waxaanu komishanka doorashooyinku u doortay guddoomiye afhayeenkii komishankaas Maxamed Axmed Xirsi Geele.

Komishanka doorashooyinka ayaa sidaas ku sheegay warsaxaafadeed rasmi ah oo ay ka soo saareen xaruntooda. Guddoomiyihii komishanka ee hore ayay xarunta komishanku sheegtay inuu isu casilay arimo u gaar ah, waxaanu sii haynd oonaa xubinimadiisii komishanka doorashooyinka.

Warsaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay wargeyska Geeska Afrika oo uu ku saxeexnaa agaasimaha guud ee komishanka doorashooyinka Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf waxa uu u dhignaa sidan.

"Maanta oo ay Taariikhdu tahey 22ka April,2014 waxa uu komishanka Doorashooyinka Qaranku la socodsiinayaa Bulsha Weynta Reer Somaliland,Xisbiyada Siyaasada, Xukuumada iyo daneeyayaasha Doorashooyinka.

 1-In Guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Ciise Yuusuf Maxamed uu arimo shakhsi ah awgeed u codsaday in uu baneeyo jagada  Guddoomiyaha KDQ taas oo uu qoraal rasmi ah kaga codsadey xubnaha KDQ 20-kii April 2014.

   2-Xubnaha KDQ waxa ay si wadajir ah uga aqbaleen (unanimously agreed) in mudane Ciise Yuusuf Maxamed uu baneeyo jagada Guddoomiyaha KDQ iyagoo uga mahad celinayo wada shaqeyntii xilkasnimadii,masuuliyadii iyo hogaamintii wacneyd ee uu muujiyay muddadii uu hayay xilka Guddoomiyaha KDQ.

3-Sidoo kale, waxa ay xubnaha KDQ siwadajir ah (unanimuosly) ugu doorteen shalay oo ay taariikhdu aheyd 2-kii April xilka Guddoomiyaha KDQ Mudane Maxamed Axmed Xirsi Geelle waxaanay illaahay uga baryayaan in uu u fududeeyo howshaa culus.”

ka xoog weynaan maayo, dawlada ayay dan u tahay in dadku sharciga ku noolaado oo kuraastii dalka ugu mudnaa dawlada ayaa ku fadhida,iyada ayaa markaas wax ku waayaysa,xukuumadda masuuliyad ayaa ka saaran gobalka Sanaag in nidaamka sharciga laga dhaqan galiyo, dhacdooyin badan ayaa iska soo wada daba dhacaaya, waxaanu baaq ugu soo jeedinaynaa madaxweynaha iyo xubnaha gudida cadaaladaba in gudi arintaas gobalka Sanaag loo saaro.”