77 Sano Ka Hor, Mar Bay Qasab Noqotay In Iyada Oo La Dabbaalanayo Kacbada Lagu Wareego (Dawaafo)

48
3721

Maka (Geeska) – Toddobaatan iyo toddoba sano ayaa laga joogaa markii roobab ma hiigaan ahaa oo ka da’ay magaalada barakaysan ee Makah ay sababeen daadad ku soo rogmaday xaramka oo biyo fadhiisin weyn ka dhigay kacbada iyo gudaha masaajidka xaramka oo dhan. Waxa buuxsamay kacbada hareeraheeda oo biyuhu kor u gaadheen illaa mitir iyo badh, qariyeenna dhagaca madow ‘Xajarul-Aswad’ ka.

Sawirka qormadan la socda waxaa ka muuqda wiil dhalinyaro ahaa markaas oo u dhashay dalka Baxrayn, waa Cali Cawadi oo sannadii 1941kii si dad badan ka yaabisay ugu dawaafay kacbada, isaga oo dabbaalanaya. Waxa aana lagu sheegay in uu yahay qofkii labaad ee taariikhda inta la ogyahay dawaaf dabbaal ku sameeya. Waxaa ka horreeyey mid ka mid ah asxaabtii nebi muxammed (SCW) oo isaguna sidan oo kale Kacbada sharafta leh isaga oo dabbaalanaya ku wareegay, kaddib markii ay biyo fadhiisteen.

Cali Cawadi oo warbaahinta u warramay ka hor dhimashadiisii sannadkii 2015 ka ayaa sheegay in uu berigaas 12 sano jir ahaa, oo uu waxbarasho u joogay magaalada Maka. ‘Waxaa da’ay roobab waaweyn oo toddobaad dhan aan habeen iyo dharaar kala joogsan.

Maalintii uu roobku qaaday ayaa Cali, walaalkii iyo laba wiil oo saaxiib yihiin iyo mid macallimiintiisa ka mid ahaa ay tegeen Xaramka, si ay u soo dawaafaan. Waxa ay la kulmeen xaramka oo inta ay biyo fadhiyaan. Isaga iyo walaalkii iyo mid ka mid ah labadii saaxiib ayaa go’aansaday in ay galaan oo ay dabbaal ku dawaafaan, maadaama oo ay garanayeen. Intii aan biyaha gelin ayaa sawirro ka qaaday Cali Ciwadi oo dabbaashii ku jooga meel ku dhow ‘Maqaam Ibraahiim’ halka walaalkii iyo saxiibkii oo dawaafkii dhammaystayna ay dusha kaga fadhiisteen albaabka kacbada.

Sida kutubta taariikhda ku xusan, muddo yar ka hor intii aanu waxyigu ku soo degin Nebi Muxammed (SCW) ayaa ay sidan oo kale dhacday. Roobab biyo badan geliyey gudaha xaramka ayaa sababay in ay qaybo badan oo ka mid ah kacbadu dunto, waana markii uu Nebi Muxamed ka qaybgalay dib u dhiska kacbada, iyo isla markaana uu xalliyey khilaafkii Quraysh dhex maray ee la xidhiidhay cidda Xarajul Aswadka halkiisa dhigaysa.

Waxa kale oo ay taariikhdu xusaysaa in ciddii ugu horreysay ee dabbaal ku dawaafta taariikhdu uu ahaa asxaabigii Rasuulka (SCW) ee Cabdillaahi Bin Subayr Bin Cawaam.

Inta la ogyahay dadka kale ee iyaguna dabbaasha ku dawaafay waxaa ka mid ah Sheekhii weynaa ee Badruddiin Bin Jamaaca oo noolaa intii u dhexeysya 1242 kii illaa 1333 kii kaltirsiga miilaadiga. Sida ku xusan kitaabka ‘Kashfu Alkhafaa’ Wa musiil Al-Ilbaas’ Kacbada oo ay biyo fadhiisteen ayaa uu yimi Sheekhu, kaddibna si uu cibaadadii uu u yimi u dhammaystirto waxa uu bilaabay in uu dababasho oo marka uu ‘Xajarul-Aswadka la siman yahay inta uu quuso dhinaca Xajarul-Aswadka oo ka hooseeya soo dhunkanayey.

In dabbaal lagu dawaafaa waa dhacdo dhif ku ah taariikhda, laakiin magaalada Maka oo buuraley ahi waa ku caan daadadka, marar badan ayaana ay dhacday xaramka ay galaan biyo kala heer duwan, oo qaarkood cagaha uun qarinayeen, qaarna gaadhsiisnaayeen illaa heerkaas lagu dabbaashay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here