40 Shirkadood Oo Ku Tartamaya Hawsha Biyo Balaadhinta Hargeysa

0
806

Picture4Hargeysa (Geeska)-Wakiilada matalaayay shirkado caalami ah oo 40 ka badan oo ku tartamaaya biyo galinta magaaladda Hargeysa ee midawga Yurub uu Somaliland Ka taageerayo, ayaa shir xogwaran ah uu uga furmay wakaalada biyaha Hargeysa.

Shirkan oo lagu qabtay hoolka Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxa ka qaybgalay masuuliyiin kala matalaysa inta badan 40 shirkadood oo ku guulaystay inay ka soo gudbaan qiimaynta wareeggii kowaad kadib markii hay’adda UN-HABITAT oo fulinaysa mashruucan iyadoo la kaashanaysa Wakaaladda Biyaha iyo Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland ay warbaahinta marisay qandaraaskan.Waxaanna la siiyey faahfaahin ku saabsan mashuuracan iyo hawlaha shaqo ee laga rabo, iyadoo dhammaantood la soo tusay xarunta biyo-soo-saarka Geed-deeble, Ceelasha biyaha iyo dariiqa uu soo raaco dhuunta biyaha soo qaadaa.

Qandaraaskaasi oo ahaa mid si caalami ah loo shaaciyey, ayaa 40-ka shirkadood ee ku soo baxay wareegga kowaad oo ka kala socda Qaaradaha Africa, Europe, America, Latin America iyo Aasiya, isla markaana ka kala jira in ka badan 20 waddan oo dunida ku yaala.

Mareeyaha Wakaaladda Biyahay Hargaysa Ibraahim Siyaad Yoonis oo ugu horreyn furitaankii shirkan ka hadlay, ayaa sheegay in afartankan shirkadood ee tartanka biyo-ballaadhinta caasimadda u galaya oo badankoodu 25-kii bisha dalka soo gaadhay sababta loogu yeedhay tahay si ay xog-dheeraad ah u helaan ka hor inta aanay gelin tartanka wejigiisa labaad, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Shirkani marka uu u dhammaado shirkad waliba way iska noqonaysaa oo ay soo xarayso codsiyada qandaraaska waqtigii loogu talogalay. Waxaannay tani bilow u tahay in hawshii mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa uu degdeg u bilaabmo oo ciddii ku guulaysataa gudasho, dhuumihiinna waa la xayeysiiyey oo waqtigii qandaraaska tartankiisu xidhmayeyna waxyar baa ka hadhay, Insha Allaahu waxaan rajaynayaa in hawshaasi Ilaahay inoo fududeeyo oo aynu u guulaysanno,” ayuu yidhi Maareeyaha Biyaha Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Xuseen Axmed Cabdalle oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa ka soo qaybgalka shirkadahan ee tartanka biyo-ballaadhinta Hargeysa ku tilmaamay mid guul wayn u ah Somaliland, waxaannu yidhi, “40-kaa shirkadood ee maanta caasimadda Somaliland ee Hargeysa yimi si ay uga qaybgalaan tartanka mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa waxay muujinaysaa Somaliland iyadoo aan weli la aqoonsan nabadgalyada iyo maamulka dawladeed ee ka jira, wakiillada ka socda shirkadaha waxa wejiyadooda ka muuqda inay faraxsan yihiin inay hawl fiican qabtaan Somaliland oo ka shaqeeyaan, waxaan odhan karaa ictiraafkii aynu inta badan sugaynay inuu furihii u horreeyey tani tahay, maadaama afartan shirkadood oo qaarkood ka socdaan waddamada ugu waawayn adduunka ay maanta doonayaan inay Hargeysa ka shaqeeyaan, waxaannan rajaynayaa inay si dakhso ah adduunka uga soo baxdo kelmada Somaliland waa dal jira.”