20 Sano Kaddib Maxay Monica Lewinsky Ka Leedahay Fadeexaddii Iyada Iyo Madaxweyne Bill Clinton?

23
3067

Washington (Geeska)- Monica Lewinsky ayaa madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton mar kale ku qaadday weerar afka. Iyada oo xidhiidhkii fadeexadda dhaliyey ee xilligaas dhex maray iyada Clinton ku tilmaamtay in Clinton si qalad ah awooddii qaranka dano jinsi uga faa’iidaysanayey. “Waxa ay ahayd awooddii qaranka oo uu si qaldan oo aad u weyn uga faa’iidaystay” ayaa ay tidhi Lewinsky oo ka qaybqaadanaysa ol’olaha loogu magac daray, ‘ANIGANA SIDOO KALE’ oo ay dumarka Maraykanku ka wadaan baraha bulshadu ku kulanto ee internet ka, lagagana hortagayo xadgudubyada dhinaca jinsiga ee dumarka ku dhaca. Lewinsky oo markaas da’da labaatanaadka ku jirtay, ayaa xidhiidh jinsi Aqalka Cad gudihiisa ku dhex maray iyada iyo Bill Clinton oo madaxweynihii markaas ahaa, laakiin muddo gaaban kaddib ayaa ay Lewinsky sheegtay arrintan, waxa aanay noqotay fadeexad mar ahayd bishii koowaad ee 1998 kii ku sigatay in darteed xilka looga caydhiyo Clinton.

In kasta oo ay fadeexaddaas muddo dheeri ka soo wareegtay, haddana waa shaambad weli ku taalla Clinton, sheekadeeduna marar badan soo noqnoqoto, mar ay dhowaan u warramaysay majaladda Vanty Fair ee Maraykanka ka soo baxda ayaa mar kale nafteeda ka difaacday in ay xilligaas wax qalad ah samaysay, eedda wixii dhacayna ku leexisay Bill Clinton.

Lewinsky waxa ay maqaalkeedan ku sheegtay in xidhiidhkaas iyada iyo Clinton uu kaga tegey raad caafimaad darro nafsi ah oo dhawr sano oo dambe ay noolayd. Waxa aanay codsatay in imika oo muddadaas dheer laga joogo ay fiican tahay in la shaaciyo xogihii iyo arrimihii qarsoonaa ee xilligaas Clinton iyo aqalka cad qariyeen sida ay ku doodayso iyo in la furfuro halxidhaalayaal badan oo ku xidhan sida ay wax u dhex mareen iyada iyo Clinton iyo sida uu Clinton uga badbaaday cawaaqib ka dhasha arrintaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here