130 Imaam Oo Diiday In Ay Jinaasada Ku Tukadaan Maydka Raggii Fuliyey Weerarkii London

0
656

London (Geeska)- Boqol iyo Soddon Imaam oo ka mid ah imaamyada masaajidda Ingiriiska ayaa si adag u diiday in ay salaadda maydka muslimka ah loo sharciyeeyey ku tukadaan maydka labadii nin ee fuliyey weerarradii ka dhacay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska. Sida uu ku warramayo wargeyska The Independent ee ka soo baxa carriga Ingiriiska. Waxaa weerarkaas London waxaa ku dhintay 7 ruux, 48 kanala waxaa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan.

Kooxda iimaamyada ah ayaa warmurtiyeed ay wadajir u soo saareen ku sheegay in aanay salaadda maydka ku tukan doonin labada nin ee argagaxisda ah.

Waxa uu warmurtiyeedkoodu intaas ku daray, “Annaga oo ka duulayna mabaadii’da akhlaaqiga ah ee kale oo diinta Islaamku qiimayso, ragga ka dambeeyey falkan kuma tukan doonno salaadda maydka. Culimada iyo masuuliyiinta kale ee diinta islaamkana waxa aanu kula dardaarmaynaa in ay xaqaas salaadda Jinaasada ee muslim kastaa leeyahay, at ka xayuubiyaan labadan nin”

Dhinaca kalana booliiska Ingiriiska ayaa Isniintii shalay shaaca ka qaaday cidda ay yihiin saddexda nin ee geystay weerarradii London, oo dhacay arooryadii hore ee maalintii Axadda. Saddex nin  ayaa gaadhi ay wateen jiidhsiiyey dad kala duwan oo dul lugaynayey biriishka London, kadibna mindiyo dadkii hareerahooda marayey la dhacay.

Booliiska London oo soo bandhigay sawirrada nimankan ayaa sheegay in Khuraam Butt oo ka mid ahaa ragga weerarka biriishka London geystay uu asal ahaan ka soo jeedo dalka Baakistaan, halka Rashiid Ridwaan uu isaguna ka soo jeedo dalka Liibiya ninka saddexaad oo ah Yuusuf Sagba waxaa dhalay hooyo Talyaani ah iyo aabo ka soo jeeda dalka Marooko, waxa aana ywararka qaar sheegayaan in uu isagu hoos ugu shaqaynayey wakaaladda sirdoonka Ingiriiska ee Mi5 laakiin mar dambe ay DAACISH ku guulaysatay in ay ka dhigto basaas labada dhanba ah.

Taliyaha booliiska la dagaalanka argagaxisada ee magaalada London Mark Rowley ayaa isaguna warsaxaafadeed uu soo saaray ku xaqiijiyey in Butt oo 27 sano jir ahaa uu yahay muwaadin Ingiriis ah oo ka soo jeeda dalka Baakistaan, horena ay booliiska iyo hay’adda sirdoonku xaalkiisa uga shakisnaayeen halka ninka kale ee Ridwaan oo 30 jir ah waxa uu sheegtay in uu ka soo jeedo Liibiya, laakiin hore isaga looma aqoonin.