Xuska Maalintii La Dheelmiyay Nebi Muxamed SCW Oo Si Weyn Looga Xusay Magaalada Hargeysa

0
740

Hargeysa (Geeska)-Xuska maalintii la dheelmiyey Nabigeena Suuban ee Muxamed SCW, ayaa si weyn looga xusay Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa.

1

Munaasibadii lagu xusaayey Miciraashka  Nabiga oo shalay lagu qabtay Mansoor Hotel, ayaa waxa ka soo qayb galay Culimo awdiin, Arday, Masuuliyiin iyo dad aad u tiro badan.

Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore oo ka mid ah Culimada dalka ugu waaweyn oo isagu halkaas ka hadlay ayaa wuxuu si faah faahsan uga xog waramay miciraashkii nabiga, habeenkii la dheelmiyey iyo qiimaha ay dadka Muslimka u leedahay maalintan oo kale.

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo isagu ka mid ah Xildhibaanada Wakiilada, Munaasibadana soo qaban-qaabiyey oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka hadlay qiimaha, fadliga iyo wanaaga wuu leeyahay Nabi Muxamed SCW, wuxuu dadka ku dhiirigeliyey inay mar walba ku saliyaan Nabiga, amaantu ka mudnaana ay amaanaan.

Dhinaca kale waxa iyana halkaas ka hadlay Culimo badan, waxayna dhammaantood ku dheeraadan qiimaha iyo fadligii uu Rasuulku lahaa, waxaana Munaasibadaas laga qaaday Gabyao nabi amaana iyo qasiidooyin nabi amaan ah oo nabiga lagu amaanayo SCW.