Xuska 18 May 2015 Oo Maanta Somaliland Looga Dabaal Degay

0
663

IMG_3267Hargeysa (Geeska)- xuska 18 May ee sanada 2015 ayaa maanta guud ahaan looga dabaal degay gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka. Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa saaka laga sameeyey isku soo baxayo balaadhan oo lagu muujinaayo maalinta qaranimada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md Siilaanyo ayaa munaasibad lagu xusaayey 18 May 2015 oo lagu qabtay jidka dheer ee hor mara madaxtooyada kala qayb galay dadweynaha caasimada.

Goor dhaw waxaanu idiin soo gudbin doonaan warar muuqaal iyo sawiro ah oo la xidhiidha maalinta xuska 18 May. Wargeyska Geeska Afrika ayaa idiinla diyaar ah warar iyo dhacdooyinkii saaka ee xuska.