Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in aan dagaalka ka socda Yamen loo isticmaali karin Hawada, Badda iyo Garoomada Somaliland,
Warsaxaafadeed uu Wasiirka Duulista Hawada ayaa warsaxafadeed uu soo saaray, sheegay in xulufada dagaalka kula jira Xutiyiinta Yamen ee uu hogaaminayo Sucuudigu aanay isticlaamayinin Hawada, Badda iyo Garoomada Somaliland, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay inay isku dayaan sidii dagaalka loo joojin lahaa xalna loo raadin lahaa, waxaanu warsaxafadeedku u dhignaa sidan “Jamahuuriyadda Somaliland wer-wer badan ayey ka qabtaa waxaa ka socda dalka Yeman, il dheer baanu ku haynaa, beesha caalamkana waxaan ugu baaqaynaa in lays ku dayo in xal loo helo dagaalkaas socda.
Xulafada dagaalka ku jirta ee Sucuudigu hogaaminayaa ma isticimaali karaan Hawada, Badda, iyo Garoomada Qaranka Somaliland illaa ogolaansho rasmi soo waydiistaan Xukuumadda Somaliland. Inkasta oo mawqifkayaga siyaasadeed uu cad yahay, haddana ma isticimaali karaan annagoo aan u ogolaan, waanu uga digaynaa in ay iscimaalaan, farriin cod dheerna waxaanu leenahay wixii cawaaqib xumo ka timaada arrintaasi haddii ay dhacdo iyagaa ka masuula. u raaci mayno masuuliyadeeda Muqdisho Dawladda Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya wixii ay hayso ee ay maamusho cid ha ka marti soorto, wax aanay haynin ninka yidhaa cid ayaan ka marti soorayaa dee maaha aragti sax ah, waxay carabtu ku maah-maahdaa ninkaan waxba hayni waxba ma bixiyo.
Garoomada Somaliland, Hawadeeda iyo Badeeda in lagaga duulo kooxaha Xuutiyiinta ee Yeman ogolaashaheeda Dawladda Muqdisho ma bixin karto.”