“Xukuumaddu Sidii Ay Ugu Gurmaray Galbeedka Ugamay Gurman Abaaraha Bariga Ka Jira”Jirde Maxamed Faarax oo ka tirsan Waddani

0
703

Hargeysa(Geeska)-Xoghaye ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Xisbiga WADDANI, Jirde Maxamed Faarax ayaa sheegay inay meel halis ah marayso abaarta ka jirta Gobolada Bariga dalka, isagoo Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in aanay ugu gurman sidii hore ay ugu gurmatay wakhtigii  abaaruhu  ka dhaceen Gobolada Galbeed ee Dalka. Jirde Maxamed Faarax oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargaysa wuxuu ku bilaabay hadalkiisa.

1

 “Abaarta ka jirta Afarta Gobol ee Bariga, Saaxil, Sanaag, Togdheer iyo Sool waxay maraysa meel halis ah oo loo baqaayo dadkii marka laga yimaado xoolihii, arrinta ugu daran ee abaarta u sii wehelisay waa haraad iyo,  oon. Goboladaas oo ah Jamhuuriyadda Somaliland inteedi badnayd, hore waxay uga aradnaayeen horumarka kaabayasha bulshada, waxa ku yaraa riigaga iyo ceel biyoodka ay dadka iyo xooluhu ku baxsan karaan markay sidan oo kale abaar xoogani u dhacdo, hadana waxa u sii raacay roobabkii guga iyo kuwii dayrta oo la waayay. 

Arrinta nasiib darrada ah ayaa ah, Xukuumadda Somaliland, oo fadhigeedu yahay Caasimadda Hargaysa runtii siweyn ayay uga gaabisay gurmadka abaartaas, waxa layaab leh hanankii Xukuumaddu ugu gurmatay Gobolada Galbeedka iyo sidaanay uba dhaadin Gobolada Bari, waxaynu arkaynay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici habeen madoow ayuu Burco into is taagay ka soo dhabaabaceeyay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxaan leeyahay Shicib iyo Tijaar iyo Dawladba dadkii Gobolada Bari abaar xunba haysa, fadhiga halaga kaco oo ummadda alle ayaa wax gaadhsiin karee haloo gurmado.” Sidaa ayuu hadalkiisi ku soo xidhay Xoghaye ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Xisbiga WADDANI Jirde Maxamed Faarax.

“Xukuumaddu Sidii Ay Hore Ugu Gurmaray Galbeedka Ugamay Gurman Abaaraha Daran Ee Gobolada Bari Ku Habsaday”. Jirde Maxamed Faarax