“Xukuumaddani Way Burburisay Nidaamkii Iyo Kala Dambayntii Dalka, Waddani Ayaana Toosinaya”

0
819

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI

Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, ayaa sheegay inay Xukuumaddani muddadii ay taladda dalka haysay inay meesha ka saartay Dimuqraadiyadii, inay jabisay sharcigii, shuruucdii iyo nidaamkii dalka, inay hantidii umadda ku takrifashay, oo waliba Xisbigeeda Kulmiye ugu ololeynayso.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Xisbiga Waddani uu yahay Xisbiga qudha ee xaalada uu dalku maanta ku jiro ka saari kara, waxaanu ugu horeyn isagoo ka hadlaya eedoo ay Xukuumaddu u soo jeedisay Xisbigiisa ayaa yidhi “Xisbiga Waddani waa Xisbi macruufa ah , oo Bulshada reer Somaliland oo dhan ka kooban, kuna dhan tahay, Xukuumadda iyo Xisbigeeduna awalba dhaliilo aan sal iyo raad toona lahayn wey sheegi jireen, dhaliilaha ay Xisbiga Waddanina ku dhaliilayaan uma aragno wax weyn, haddii ay dhisayaan Madaarka Boorama, todoba sanno iyo badh bay taladda dalka hayeen, oo ay dhisi lahaayeen, Madaaradii dalkana waxa hadhay oo qudha Madaarka Hargeysa, Madaarkii Ceerigaabo ma shaqeeynayo, Madaarkii Boorama ma shaqeeynayo, Madaarka Kal-badhayn ma shaqeeynayo, Madaarkii Berbera waa la iibiyey, markaas Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye maanta kama hadli karaan Madaaro iyo mustaqbal dal, waxayna ahayd inay xishoodan, oo iyagoo Madaaradii dalka oo dhan xidhay may ahayn inay Madaaro soo hadal qaadan”.

Xoghayaha Guud ee Wadddani mar uu ka hadlaayey Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Waxa la arkaayey Agaasimayaal iyo Maareeyayaal xidhan calankii Kulmiye, Maayaro inay tageen Magaalooyinkoodii, ka ololeynaya Magaalooyin kale, Badhasaabo Magaalooyinkoodii ka tagay oo Magaalooyin kale ka ololaynaya, Shaqaalihii Dawladda, ayey Xukuumaddu ku  qasbaysaa  inay Kulmiye taageeraan, balse Shaqaaluhu codkooda waa u xor, mana qasbi karto, waana ayaan daro ay Xukuumaddani ay la timid oo shuruucdii iyo sharciyadii dalka ku burburisay, waana waxa uu doonayo in Xisbiga Waddani bedelo, waxa laga war qabaana in hantidii wadanka la boobayo, oo sida la doono loo isticmaalayo, markaas hawshani wax ka qabashadeedu waxay u taala Komishanka”.

Xoghayaha Waddani oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xukuumaddani waxay ka badheedhay inay nidaamkii, dimuqraadiyadii iyo kala dambeyntii dalka burburiso, waxayna doonaysaa inay awoodii dalka gacanta ku qaadato, oo ay burburiso, balse dalkan dadkiisa ayaa ilaashanaya, codna sidaas ku heli mayaan, oo godka ay ku rideen Somaliland cid waliba wey arkaysaa, ee Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye wax qabad dambe umay hadhin, ee marka laga guulaysto si nabadgalyo ah dalka ha  u wareejiyaan”.

Xoghayaha Xisbiga Waddani mar uu ka hadlaayey is bedelka Siyaasada Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa yidhi “Dalalkii xidhiidhka inala lahaa wakhtigii Daahir Rayaale ee sodonka gaadhayey, ma jiro maanta hal wadan oo xidhiidh ina leh, haddii ay jiraana aad bay u yar yihiin, Xukuumaddana maaha Xukuumad dalka dhistay, waana aragnaa waxa maanta ka taagan Berbera iyo dalka oo dhan, waa la arkaayey Marsadii baloodhada laga bixinaayey, oo ay ciidu ku daadanayso Baddii, oo cid alaale cid ka gurta aan la helayn, waxaana leeyahay nasiib darada aynu ku jirno, bil iyo badh baa inooga hadhay, ee dadweynuhu intaas ha dulqaatan, Xukuumaddani ama raasi ha aasto ama Madaarada ha xidho ama Dekaddaha ha iibiso maalmo ayaa u hadhay, umadduna in badan bay Xukuumaddan u soo dulqaadanaysay, ee intaas yar ee u hadhay ha la dulqaato, Xisbiga Waddani ayaa haddii ALLE ka dhigo taladda dalka qaban doono, oo waxa hubaal ah in maanta Xisbiga Waddani yahay Xisbiga qudha ee Gobol walba ugu taageerada badan, hagar-daamada iyo dib u dhaca ay Xukuumaddani dalka baday, Xisbiga Waddani ayaa ka saari doona”.