“Xukuumaddaa Ka Dambaysa Khilaafka Golaha Wakiilada”

0
910

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah Xidlhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in Xukuumaddu qayb ka tahay khilaafkan ka taagan Golaha Wakiilada, waxaanu tilmaamay inay si cad u taageertay Baashe Maxamed Faarax, oo uu sheegay in aanu ku guulaysan xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in go’aan iyo xukun aanay soo saarin Maxkamaddu inuu go’aamiyey Guddoomiyaha Guurtidu, isla markaana uu istaahilo in Maxkamad la soo taago, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Baashe kursiga muu helin ee waa laga helay, si sharci daro ahna wuu ku helay, khiyaano haddii ay dhacddana halka lagu ogaado ayaa lagu saxaa, ninka se yidhaahda lama sixi karo, isaga ayaa sheegi daliilka uu u hayo, anagu waanu haysanaa 39 Xildhibaan ee codeeyey, ee iyagu haddi iay haystaan keena ayaanu ku nidhi ee maxday u keeni waayeen, waxa se cad in aanay haynin, Maxkamaduna wax xukun ah oo ay soo saartay ma jirto, ee waxay tidhi guddihiina ka heshiiya, iyadoo aanay waliba Cabdiraxmaan Cirro wali xilkii wareejin ayaa haddana xafiiskiisi la furtay, waana sharci daro, waxa qiil laga dhiganayaa mar haddii aad haneeyseen xilkii uu idinka wareegay, waan haneeynayna wax laguma helo, ee waxa wax lagu helaa, wixii wax lagu saxo”

Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey Guddoomiyaha Guurtidu ayaa wuxuu yidhi “Xukun iyo go’aan aanay Maxkamaddu soo saarin, ayuu soo saaray Guddoomiyaha Guurtidu, waxaanu istaahila in aanu Maxkamadda la tiigsano, sababtoo ah in isagoo ah masuul qaran inuu go’aan khaldan qaato uma haboona”.

Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey Xukuumadda ayaa yidhi “Xukuumaddani iyadoo ku guul daraystay inay wax ka qabato sicir bararkan dalkii ku baahay, dadkiina dhibta ku haya, ayaa halkii looga baahnaa inay wax walba oo dhiba ah oo soo kordha inay u xaliso sida ugu dhakhsaha badan, bay haddana aynu arkaynaa inay qayb ka tahay, waxaana tusaale cad inoogu filan siday uga hadashay khilaafka Golaha”.