Xukuumadda Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Maxkamad Soo Taagtay Dad Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq

0
684

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo sheegay inay Garsoorka u gudbiyeen 19 Xubnood, qaarkoodna Maxkamadi Xukuntay

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in la xukumay qaar ka mid ah 19 Qof oo loo xidhay eedaymo musuqmaasuq sanadkan gudihiisa.

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir soo saaray War-saxaafadeed uu ugu talo-galay Xuska Maalinta la dagaalanka Musuqmaasuqa oo Sannad kasta Adduunka laga xuso 9-ka bisha December, ayaa sheegay in xukun ku dhacay qaar ka mid ah 19 Qof oo loo xidhay inay ku kaceen falal Musuqmaasuq ah.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Maanta oo ay Taariikhdu tahay 9 December, 2020 (Shalay) waxa Adduunka si guud looga xusayaa Maalinta Caalamiga ah ee loo asteeyay la dagaalanka Musuqmaasuq, Maalintan oo lagu ansixiyey Axdiga Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee la dagaanka musuqmaasuqa 31 October, 2003, isla-markaana la hirgeliyey sannadkii 2005, Axdigan oo ay saxeexeen in ka badan 186 Waddan. Haddaba sida la isku raacsan yahay Musuqmaasuqu wuxuu ka mid yahay Mushkiladaha Adduunku illaa hadda uu xal waara u la’yahay, kaasi oo cabaqad ku noqday in badan oo ka mid ah Horumarka Aadamaha, sida lagu sheegay Tiro-koobka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa sannad kasta waxa Adduunka Laaluush lagu bixiyaa in ka badan 1 Tirilion, taasi oo u dhiganta in ka badan 5%GDP Adduunka.

Haddaba Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo isha ku haysa Cawaaqibka Musuqmaasuqu ku leeyahay Horumarka Bulshada waxay qaadday Tallaabooyin lagu Xakaymayo nooc kasta oo Musuqmaasuq, iyadoo culayska la saaray horumarinta Xeerarka iyo Hab-raacyada Maaliyadeed iyo kuwo isla xisaabtanka, kuwaasi oo ay barbar socotay in dib u eegis lagu sameeyo Xeerka ka hor-tagga ku tagri-falka Hantida Qaranka iy la dagaalanka musuqmaasuqa Xeer L.38/2007, xeerkan oo wax ka beddelkiisa dhawaan la hor-keeni doono Goleyaasha Dawladda wuxuu ciqaab kala duwan dul-dhigayaa Cid kasta oo ku kacda noocyada kala duwan ee musuqmaasuqa iyo Laaluushka, sidoo kale wuxuu saamayn ku yeelan doonaa Cid kasta oo caddayn la’aan cid ku eedaysa inuu ku kacay Musuqmaasuq.

Sannadkan 2020 wuxuu Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranku uu Hay’adaha Garsoorka u gudbiyey 19 eedaysane, kuwaasi oo badhkoodna la xukumay Badhkoodna Gar-sugayaal yihiin.”

Ugu dambayn waxaanu ugu baaqaynaa dhammaan Bulshada Somaliland inay si togan oo wada jir ah looga wada hawl-galo sidii la isaga kaashan lahaa ka hor-tagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuq…”

Geeska.net/Hargeisa Office