Xukuumadda Somaliland Oo Bulshada Caalamka Ka Codsatay Inay Taageeraan Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

0
487

Picture2Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay si mug leh uga qayb qaataan wada hadalada u socda Somaliland iyo Somaliya ee ay kaga wada hadlayaan xidhiidhkooda mustaqbal.

Warsaxaafadeed ay xukuumadu shalay soo saartay oo lagu baahiyay barta ay dawladda Somaliland ku leedahay internetka waxa lagu sheegay inay xukuumadda Somaliland taageersantahay shirka ay dawladda Denmark u qabatay Somaliya ee shalay wadankeeda ka furmay, balse aanay ka qayb galayn.  “Dawladda Somaliland waxay jeceshahay inay dawladda Denmark ku ammaanto qabashada shirka sare ee arrimaha Somaliya oo hadda ka socda Copenhagen. Hase yeeshee dawladda Somaliland kama qayb galayso.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka, waxaanay Somaliland war-murtiyeedkan kaga hadashay shirkii dhawaan lagu qabtay Hargeysa ee ay deeq bixiyayaasha Somaliland ka qayb galeen, oo ay tilmaantay inuu ahaa mid ahmiyad lahaa.

Xukuumadu iyadoo beesha caalamka baaq u diraysa, waxay tidhi  “Somaliland waxay rajaynaysaa inay bulshadu caalamku door firfircoon ka ciyaarto taageerida wada hadalka Somaliland iyo Somaliya oo uu hadda fududaynayo Turkigu. Somaliland waxay aqoonsantahay ahmiyada uu leeyahay sii waditaanka wada hadalada Somaliland iyo Somaliya si loo xaliyo khilaafka. Waxaanu u tixgelinaynaa ahmiayda uu u leeyahay kor u qaadista nabadgelyada mustaqbalka, amniga iyo iskaashiga gobalka Geeska Afrika. Waxaanu doonaynaa inaanu sii xoojino habkan, oo la isku raacay shirkii London ee Somaliya loo qabtay 2012 oo ay bulshada caalamku joogtay.”

Ujeedada wada hadalada waxa ay Somaliland ku cadaysay inay yihiin sidii laba dal loo kala noqon lahaa, “Ujeedada kama dabaysta ahi waxa weeye inay labada wadan cadeeyaan sida uu noqonayo xidhiidhkooda mustaqbalku.” Waxaanay Somaliland sheegtay inay dareenka bulshada ku soo jeedinayso in qodobada laga wada hadlayo ay ku jiraan meeqaamka ay Somaliland kaga qayb geli lahayd shirarka caalamiga ah ee lagaga tashanayo arrimaha gobalka.

Ugu dambayn waxay Denmark iyo Ingiriiska ku bogaadisay sida dhow ee ay Somaliland ula shaqeeyaan iyagoo maraya sanduuqa Somaliland Fund.