Xukuumadda Oo Shaacisay Tiro-koobka Kiisaskii Kufsiga Ahaa Ee Sannadkan Ka Dhacay Dalka

0
581

Hargeysa(Geeska):-  Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax, ayaa sheegay inaan la aqbali karin heerka kufsiga dalka ka dhacaa marayo, waxaanu   caddeeyay in fal-dambiyeedyadii kufsiga ee la xidhiidha ee  dalka  ka dhacay sannadkan 2016 ay gaadheen 207 kiis oo intooda badani ka dhaceen magaalada Hargeysa.

1

Wasiirka shaqaddu waxa uu sidaasi kaga dhawaaqay hadal uu ka jeediyay shalay  xaflad  ballaadhan oo lagu qabtay xarunta wasaaradaas oo lagu shaacinayay ololaha ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka oo muddo 16 maalmood ah ka socon doona dalka.

Waxa kaloo xafladaas ka qaybgalay Wasiirul-dawlaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda Cabdi Daahir Cammuud (Cabdi-dheere), Wasiir Ku-xigeenka wasaarada Diinta iyo awqaafta,  Nuur Cismaan Guulleed, Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqul insaanka, Fadxiya Xuseen Jaahuur, Guddoomiyaha dallada Naafadda  Somaliland, Nuura  Maxamuud Nuur,Ururrada bulshadda, Hay’adaha caalamiga ah ee hawl-wadaagta la ah wasaaradda shaqada iyo martisharaf kale.

“Waxaanu halkan ka iclaaminaynaa 16 maalmood oo wacyigelin ah oo la isku baraarujinayo xakamaynta tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda haweenka. Waxaan leeyahay hoyga fiican bay ka soo baxaan midhaha wanaagsani,”ayuu yidhi Wasiirka Shaqadu,isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu intaas ku daray  “Haddii aan soo qaadno  Kufsiga ka dhacay wadanka, marka aanu isku geyno waa 207 kiis oo inta ugu badani ka dhacday magaalada Hargeysa inamadan yar-yar ee wadanka lagu sii daayay ee aan waalid dabo-galaynin ayaa sabab u ah arrintan.Ma eegayno in maalin walba hablaha la kufsado  oo habluhu ay guryahooda ka soo bixi kari waayaan,”ayuu yidhi Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshaddu.

Wasiir Cumar Sh. Maxamed, waxa uu u soo jeediyay Baarlamaanka inay ansixiyaan xeerka muhiimka ah ee la xidhiidha xuquul-insaanka iyo arrimaha Bulshadda,  “Sharciyo badan baa horyaalla Baarlamaanka, xeerka kufsiga oo kaliya maaha ee shuruuc badan ayaa horyaalla oo dalka lagu dhaqi lahaa ama hagi lahaa. Baarlamaanku waa golihii dejin lahaa xeerarka ee dabo-geli lahaa in xeerarka la fuliyay iyo in laga baydhay.Xeerka kufsiga , xeerka gudniinka iyo xeerka siyaasadda carruurta inay Baarlamaanku haystaan maaha,”ayuu yidhi Wasiirka shaqaddu.

Guddoomiyaha Komishanka xuquuqal-insaanka, Fadxiya Xuseen Jaahuur, ayaa sheegtay in loo baahan yahay in bulshadda lagu wacyigeliyo  ilaalinta xuquuqda haweenka iyo guud ahaan xuquuqul-insaankaba. Waxa kale oo ay tilmaantay inay wasaaradda shaqada kala shaqeeyaan sidii Golaha Wakiiladdu u ansixin lahaayeen xeerarka la xidhiidha xuquuqul-insaanka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland, Nuur Cismaan Guulleed oo ka hadlay madashaas ayaa sheegay in gudniinka fircooniga ahi yahay caado gabowday oo aan diinta islaamka ku abtirsan, waxase uu ku baaqay in dedaal weyn la geliyo sidii loo tirtiri lahaa gudniinka fircooniga ah oo uu ku tilmaamay mid halistiisa leh.