Xukuumadda Oo Qiratay Inay Wada Hadal Kula Jirto Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh

0
601

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa qiratay inay wada hadal kula jirto siyaasiga Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ah maskaxda samaysay kooxda khaatumo ee Somaliland diidka ah, kana tiran Baarlamaanka Somaliya, balse dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Wargeyska Geeska Afrika, ayaa shalay baahiyay xogo uu helay oo cadeeyay wada hadalka u dhexeeya xukuumadda iyo siyaasigaas, iyadoo uu xukuumadda metelayay mid ka mid ah madax dhaqameedyada dalku. Wargeysku wuxuu soo bandhigay xogo uu ka helay kulmadaas oo uu Cali Khaliif ku weheliyay Garaad Jaamac Garaad Cali. Haddba, wasiirka khayraadka biyaha Md. Xuseen Axmed Cabdulle, oo shalay u waramay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan telefishanka qaranka ayaa cadeeyay jiritaanka wada hadalkaas. “Waxa la sheegayaa inay wada hadalo u bilaabmeen Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh iyo xukuumadda Somaliland,Cali Khaliif waa nin wayn oo siyaasi ah waana nin reer Somaliland ah fikradahana waa lagu kala duwanaan karaa, Somaliland saaxiibo badan ayuu  ku leeyahay dad badan oo ay soo wada shaqeeyeena maanta Xilal ayay ka hayaan Xukuumada,ka shaqsi ahaan waan soo dhaweynayaa wada hadalkaasi,  Xukuumadu way soo dhawaynaysaa.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Somalilandna ciddii tidhaahda wada hadal ayaanu galaynaa waa mid furan,waana la soo dhawaynayaa, waxbana kuma jiraan haddii qof kuu yimaado oo ku yidhaahdo waxaas iyo waxaas aynu ka wada hadalno, waa mid furan oo loo baahan yahay.”