Xukuumadda Oo Ka Hadashay Wararka Ku Saabsan Xaaladda Caafimaad Ee Madaxweyne Siilaanyo Oo Dalka Ingiriiska Jooga

0
763

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay inay xaalad caafimaad darro la soo deristay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanay xukuumadu beenisay warar maalmihii u dambeeyay ku dhex wareegayay baraha bulshada oo sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo ay xaalad caafimaad darro la soo gudboonaatay.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), oo uu wargeyska Geeska Afrika shalay wax ka weydiiyay jiritaankan wararkan ka dayrinaya xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha, ayaa sheegay in Madaxweynuhu caafimaad qabo. Wasiirka oo ka jawaabaya su’aashan ayaa yidhi  “Intii aan ogaa Madaxweynuhu wuu caafimaad qabay, markii uu halkan ka tagayeyna wuu caafimaad qabay, wax war ah oo aanu ka helnay a  oo ku saabsan xaaladiisana ma jiro, waxaanu qabnaa inuu caafimaad qabo, haddii ay wax soo baxeena reerku way noo soo sheegi lahaayeen, xanuunkuna ceeb maaha, oo ILLAAHAY baa keena, anagu Dawlad ahaana ma hayno in Madaxweynaha xaalad caafimaad darro hayso, waxaana ILLAAHAY uga baryayaa inuu cimriga iyo caafimaadkaba u dheereeyo”

Wasiirka Warfaafinta mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko qiimihii Sarifka dollarka halkiisi ku soo noqday iyo halka uu ku dambeeysay wareegtadii Madaxweynaha ee dhinacac sarifka ayaa ku jawaabay “Arinta Guddibaa gacanta ku haysa ay Baanka iyo Maaliyaddu madax ka yihiin, go’aankii ay Dawladdu ka soo saartayna sidiisi buu u fulayaa, cidii ka hor timadaa, ee la arko inay ku sarifayso  qiimo ka duwan qiimihii la soo saaray, waa cid sharcigii jabisay, wax baana laga qaban doonaa, markaas waxaan leeyahay Guddida ayaa wali hawshii gacanta ku haysa ee ha laga war sugo”.

Wasiirka Warfaafintu mar uu fariin talo ah u diraayey Ganacstada dalka ayaa yidhi “Nimanka baayac-mushtarka waxaan leeyahay sannad abaareed baynu ku jirnaa ee umaddiina u naxariista, oo maceeshada u jabiya, Shilinka Somaliland-na wax ku iibiya, kuna iibsada,  oo Shilinkiina iyo Lacagtiina xoojiya”.

Wasiirka Warfaafintu mar uu ka hadlaayey faraglein uu sheegay inay Somaliya ku hayso Somaliland ayaa yidhi “Somaliya markii ay aragtay inay dadka reer Somaliland ay qadiyadooda iyo dawladnimoodada ku adag yihiin iyo xoriyadooda ay la soo noqdeen, waxay bilawday nidaam ay ka dambayso Somaliya, iyadoo lacagta ka helaysa Dawladda Turkiga, waana kala hadlaynaa Dawladda Turkiga arintaas, waxaana ay bixisay lacag la doonayo in lagu isticmaalo umadda reer Somaliland, gaar ahaan Bulshada,Madax-dhaqameedka ilaa Fanaaniinta, Heeso ha noqoto ama Gabayo ha noqdo, waxaana jira in fanaaniin la dirayo, markaas waxa dhab ah in aanay jirin lacag ay ka helayaan bandhig faneedka ee lacag rasmiya oo ka socota Dawladda Somaliya ayaa la siinayaa, marka waxaan leeyahay qof walba oo reer Somaliland wuxuu doono ha noqda cida Calanka Somaliya huwata waa qaran dumis, markaas fanaaniinta iyo cid walba waan uga digayaa in calankaas huwadaan iyo in la siro oo la khiyaameeyo, Dawladda Turkigana waxaan leeyahay Somaliland iyo Somaliya waa laba dal oo kala madax banaan, waxay u baahan yihiin wax abaaraha wax kala qabta, oo maalgaliya, Jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan uma baahna wax dadkeeda kala qaybiya, Turkigana waan uga digaynaa inay soo farageliyaan arimaha Somaliland, Fanaaniinta Somaliland waxaan u sheegaya inay hawshaas ka baxaan, oo ay ogadaan in shilimaadkaas ay qaadayaan in qaranimadooda uu lid ku yahay”.