Hargeysa(Geeska)-Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay u diiday inuu soo guto waajibaadka Xajka oo uu ka dhoofo madaarka Hargeysa.
Boqor Raabi ayaa saxaafadda shalay u sheegay in laga soo celiyay madaarka Hargeysa, iyadoo la sii daayay Sheekh Cali Warsame oo ay wada socdeen, “Laban nin ayaanu ahayn aniga iyo Sheekh Cali Warsame, Sheekh Cali wuu baxay, waxaanay yidhaahdeen amar ayaa lana siiyay oo bixi maysid markaas ka noqo halkaas, yaa idin siiyay ayaan ku idhi, waxay yidhaahdeen annagu askar ayaanu nahay, amar ayaa lana siiyay.” ayuu yidhi Boqor Raabi, waxaanu intaas raaciyay “Waxaan garan waayay sababta oo waan baadhay, dabadeed dhinac walba waan ka eegay oo waan garan waayay, dabadeedna wuxuun baan is idhi malaha waa shirki garxajis ama waa siligii madaarka eed ka hadlaysay een lahaa dadkii danyarta ahaa dhulkoodii hala siiyo iyo inay aniga isku kaayo dhufanayaan nimanka meesha haysta. laakiin waa la ii diiday inaan dhoofo oo xaramkii tago.”
Xukuumadda Somaliland ayaan ka jawaabin hadalka Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi.