Xukuumadda Oo Amarro Kusoo Rogtay Dadka Ajaanibta Ah Ku Nool Somaliland

0
88

Hargeysa{geeska}Xukuumadda Somaliland ayaa dadka ajaanibka ah ee dhulkeeda sida sharci darroda ah ku jooga ku amartay in ay isdiiwaangeliyaan, si loo siiyo deganaansho ku meel gaadh ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu amray dhammaan ajaanibta aan sharciga haysanin in ay iska diiwaangeliyaan waaxaha laanta socdaalka. Dadka isdiwaangaliya ayaa la siin doonaan degenaansho.

“Waxa la farayaa dhammaan ajaanibta ku sugan dalka in ay iska diiwaangeliyaan laamaha socdaalka JSL muddo saddex toddobaad ah gudaheed, oo ka bilaabmaysa 6-da May 2025 kuna dhammaanaysa 26-ka May 2025. Qofkii isdiiwaangeliya waxa la siin doonaa oggolaansho ku meel gaadh ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xukuumaddu waxay sheegtay in qofka isdiiwaangeliya laga qaadayo cashuur, waxaana dadka la faray in ay codsi u qortaan laamaha socdaalka si loogu sheego shuruudaha looga baahan yahay si ay Somaliland ugu sii noolaadaan.

“Qofkii ajaanib ah ee raba in uu dalka iskaga baxo, wuu iskaga bixi karaa muddadaas gudaheeda, balse bixitaankiisa waa in uu ka diiwaangeliyaa goobaha xuduudka ee uu ka baxayo,” ayuu warsaxaafadeedku sii raaciyay.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in qofkii aan isdiiwaangelin muddada loo qabtay ay ciidamada ammaanku tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Amarkan ayaa ka daba yimid amar ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu soo saartay 29-kii Abriil, kaas oo lagu faray dadka ajaanibta ah in ay muddo saddex cisho gudaheed ah Somaliland uga baxaan.

Si kastaba ha ahaatee, amarkan cusub ayaa yimid kadib markii Wakiilka Dowladda Itoobiya u fadhiya Somaliland, Mudane Teshome Shunde Hamito, uu Madaxweynaha kala hadlay arrimaha socdaalka. Waxaa la sheegay in Danjire Hamito uu xukuumadda kala hadlay fududeynta amarka lagu saarayo dadka ajaanibta ah oo badankoodu Itoobiya kasoo jeedaan.

Kumanaan qof oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo badankoodu ka shaqeeya shaqooyinka hoose, ayaa ku dhaqan Somaliland. Qaybo badan oo ka mid ah ayaanay haysan sharci, waxaana dhacda in mararka qaarkood ay ciidamada ammaanku masaafuriyaan.