“Xukuumadda Iyo Xisbigeedu Siday Wax U Wadaan Xal Iyo Dan Maaha.”

0
589

 

 

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo ka mid ah Hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa sheegay in aanu xal ahayn mawqifka ay taagan yihiin Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, ee loo baahan yahay inay dib ugu soo laabtaan miiska wada hadalada, waxaanu Komishanka Doorashooyinka cusub ugu baaqay inay is casilaan.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada uu dalku marayo, waxaanu ugu horeyn yidhi “Haddii aanu nahay Xisbiyada Mucaaradka, waxaanu hore ugu qanacnay go’aankii ay hore u soo saareen Guddidii dhex-dhexaadintu, oo waxaanu ogolaanay in la kala diro Komishanka cusub, isla markaana dib loo soo celiyo Komishankii hore, sidaas oo ay tahay Xukuumadda iyo Xisbigeedu siday wax u wadaan xal iyo dan maaha ee miiska wada hadalada ha ku soo noqdaan, oo qodobadii ay Guddidu soo saartay ha la fuliyo, Xukuumaddu mawqifka ay ku taagan tahay maaha danta Xisbiyada Mucaaradka iyo danta Somaliland, ee danta Xisbiyada Mucaaradka iyo danta Somalilandba waxay ku jirtaa in qodobadaas ay Guddidu soo saartay ee aanu ku qanacsan nahay in sideeda loo fuliyo, Komishanka waxaanu leenahay doorasho aad garsoor ka noqotaan oo aanu galayna ma jirto, ee sharaftiinu waxay ku jirtaa inaad is casishaan”.

Mar uu ka hadlaayey Dimuqraadiyada ayaa yidhi “Waxaynu nahay dal curdin ah, oo soo koroya, oo aan wali aqoonsi caalamiya helin, waxaynu ku faana hirgelinta Dimuqraadiyada, laakiin siday hadda wax u socdaan maaha Dimuqraadiyad, ee waa dib u noqosho, ee haddii aynu rabno inaynu kaga dhabeeyno Dimuqraadiyada aynu qaadanay, waa in la fuliya wixii aynu xal u aragno”.

Mar uu ka hadlaayey xaalada dalka ayaa yidhi “ALLE nimco inoo shubay inagoo jilaal ku jirna, arintii Caare wey dhammaatay, colaadii Ceel-afweyn heshiis bay lagu dhammeeyey, markaas dhibaatooyin jira yeynaan saadsan, ee danteena aynu raacno, oo talooyinka Beesha Caalamka aynu raacno, go’aan ay Xukuumaddu ku adkaysataana dhibaatooyin mooye faa’iido ma keenayso”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here