Xukuumada Somaliland Oo Ka Warantay Wararka Sheegaya In Maraykanku Kala Hadlay Dib-U-Dejinta Shacabka Qasa Qasa Looga Samaynaayo Somaliland

0
36

Hargeysa(Geeska)Warar soo baxayay kasoo baxay maraykanaka oo ay baahiyeen saxaafada caalmaka sida AP iyo Al Jazeera  ayay  beensiya Xukuumadda Somaliland in Maraykanku kala hadlay sidii shacabka Qasa dib-u-dejin loogu samayn lahaa dhulkeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo u warramay Wakaalada Wararka ee Reuters, ayaa sheegay in aanay jirin wax wadahadal ah oo ay la yeesheen Washington oo ku saabsan arrimaha Falastiin. “Ma jirto cid aanu kala hadalnay wax la xidhiidha arrimaha Falastiin,” ayuu yidhi Wasiir Aadan.
Warbixinta hore oo ay baahiyeen Al Jazeera iyo AP, ayaa lagu sheegay in saraakiil Maraykan iyo Israa’iiliyiin ahi ay sheegeen in Washington iyo Jerusalem ay wadahadallo ku saabsan dib-u-dejinta shacabka reer Qasa kula jiraan Soomaaliya, Somaliland iyo Suudaan.
Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa gabi ahaanba diiday dalabka Maraykanka, iyaga oo sheegay in aanay aqbali doonin barakicinta dadka reer Falastiin, si la mid ah go’aanka guud ee waddamada Carabta.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo horay qaar kamid ah warbaahinta Carabtu wax uga waydiisay qorshaha Trump ee barakicinta reer Qasa, ayaa sheegay in aanu Maraykanku kala hadal wax qorshe ah oo arrintaas la xidhiidha.