Xujaaj Somaliland Ah Oo Ka Mid Noqday Dad Ku Waxyeeloobay Shil Shalay Ka Dacay Xaramka Makkah

0
608

Picture7Makah (Geeska)- Waaxda difaaca Madaniga ah ee dalka Sucuudiga ayaa xalay ku dhawaaqday dhimashada 88 ruux oo ka mid ah xujaajtii sannadkan isu diyaarisay in ay soo gutaan waajibaadka xajka, kadib markii dabaylo xoog badan oo Makah ka dhacayey ay soo gooyeen wiish ku rakibnaa meel sare oo ka mid ah qayb dhisme ballaadhin ah laga waday oo ka mid ah xaramka.

Shilkan oo dhacay Casarkii kadib ee Jimcihii shalay waxaa ku dhaawacmeen xujaaj tiradoodu dhan tahay 190 ruux iyada oo tirada dhimashada iyo dhaawacaba lagu wado in ay intaas ka sii kordhi karto.

Warkan ka soo baxay Waaxda difaaca Madaniga ah ayaa lagu sheegay in wiishankan ay soo rideen dabaylo aad u xoog badan oo ku lammaanaa roobab Ma’hiigaan ahaa oo salaaddii casar kadib ee Jimcihii shalay ka da’ay magaalada Barakaysan ee Makah.

Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu ogaaday in laba qof oo reer Somaliland ah oo ay mid ka mid ahi hooyo tahay, qofka kalena yahay wiil dhallinyaro ah la waayay, iyadoo uu wiil saddexaad oo dhallinyaro reer Somaliland ahina dhaawac fudud qabo. Geesta kale shan qof oo u dhashay dalka Somaliya ayaa iyaguna qaba dhaawacyo kala duwan.