Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay xisbiga Waddani ee mucaaradka ah iska casilay shan xubnood oo ay ka mid tahay fanaanada caanka ah ee Mujaahidad Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-halgan). Waxaanay iska casileen xilalkii iyo xubnimadii xisbiga Waddani.
Xubnahan kale ayaa kala ah Aamaal Yuusuf Cabdi oo ah Af-hayeenkii garabka haweenka heer qaran ee xisbiga wadani, Aamina Jirde Faarax oo ah Gudoomiyihii abaabulka iyo wacyi galinta Xisbiga Wadani Ee Gobalka Maroodi Jeex iyo Xasan Axmed Muuse (Xasan goodaad) Xog-hayaha Xanaanada Xoolaha Xisbiga Waddani, Mushtaaq Ibraahim oo ah hoggaanka cadaaladda garabka haweenka xisbiga Waddani.
Waxaanay sheegeen inay xisbiga uga baxeen hoggaan xumo. Geesta kale Sahra-halgan ayaa warsaxaafadeed ay xalay soo saartay waxay ku sheegtay inay isu casishay arrimo shakhsi ah iyadoo sheegtay inay doonayso inay ka madaxbanaanaato arrimaha siyaasadda.
Waa hormadii labaad ee bil gudaheed iska casisha xisbiga Waddani.