Xoghayihii Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Xisbiga Waddani Oo Is Casishay

0
614

Hargeysa(Geeska)-Xoghayihii dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xisbiga Waddani Rooda Cabdi Muuse, ayaa iska casishay xilkii iyo xubinimadii xisbiga.

1

Rooda, waxay sheegtay in is casiladeeda ay keentay laba arrimood oo ay xisbiga ku eedaysay, waxaanay sheegtay in shalay laga bilaabo aanay ka tirsanayn xisbigaas Waddani.

Rooda Cabdi Muuse, waxa ay xisbiga ku eedaysay inay ku bahoobeen siyaasiyiin ay ku sheegtay dilaaliin kuwaas oo aanay magacaabin.

Hadalka Rooda ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhawaan xisbiga Waddani dhaliilay xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ay isku deegaan hoose ka soo jeedaan.