Xoghaye-xigeenka Waddani Oo Ka Hadlay Abaaraha Ka Jira Dalka

0
601

Hargeysa (Geeska)-Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa ka hadlay abaarta baahsan ee dalka ka jirta, waxaanu sheegay in dadka ay abaaruhu hayaan ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah, waxaanu Weftiga Waddani ee Musharaxa Madaxweyne ee Cabdiraxmaan Cirro hogaaminayo ku amaanay qaabka ay uga qayb qaadanayaan.

1

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa isagoo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika uu sidoo kale ka hadlay sida uu u arko labadii Masuul ee xilka iyo xubinimada XIsbiga Waddani  laga qaaday, waxaanu sheegay in xil ka qaadistaasi ahayd mid sharciya,waxaanu yidhi “Gobolada Sanaag, Sool, Saraar,Buhoodle iyo Togdheer, abaartii si aad u xun ayey u samaaysay dadkii iyo xoolihiiba, xoolihii wey dhimanayaa, dadkiina waxba kuma noola, waxay dadkaasi u baahan yihiin in loo gurmado, oo wax la taro, oo aan la daawadan, waxaana Xukuumadda iyo Hay’addaha Caalamiga iyo cid waliba oo waxtari karta dadkaasi dhibaataysan inay wax taraan, oo aanay waxba kala hadhin ayaan kula talinayaa”.

Mar uu ka hadlay Weftiga Waddani ee abaaraha ka qayb qaadanaya wuxuu yidhi “Weftiga Xisbiga Waddani ee uu hogaaminayo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), si hagar la’aan ah ayey uga qayb qaadanayaan takulaynta iyo inay wax u qabtaan dadkooda dhibaataysan ee abaartu samaaysay, waxayna weftigana ku talaabsadeen talaabo amaan iyo ku tayasho mudan madaama ay xaqiiqada dhabta ah ee dadkoodu ku sugan yihiin soo oganaayaan”.

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud mar uu ka hadlay masuuliyiintii laga saaray Xisbiga Waddani ayaa yidhi “Labadan Masuul ee Xisbiga Waddani laga saaray, si badheedh ah loogama saarin, ee xeerkii Xisbiga u yaalay ayey si badheedh ah u baalmareen, wada tashi dheer kadibna waxa timid in la isku af garto in Xisbiga laga saarno, oo xilkiina laga qaado, xubinimadii Xisbigana laga saaro”.