Xoghayaha Shir-Gudoonkii Shirweynihii KULMIYE Oo Beelaha Somaliland Ugu Baaqay Inay Soo Xareeyaan Liiska Golaha Dhexe

0
556

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha Shir-guddoonkii Shirweynihii Kulmiye, Maxamed Yoonis Cawaale, ayaa Beelaha kala duwan ee degan Somaliland, ayaa ugu baaqay inay Liiska Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku soo xareeyaan muddo dhan Saddex Cisho oo ku eeg ilaa Salaasada, waxaanu sheegay in Beeshii ku soo gudbin weyda Liiskan inay adkaanayso in mar kale laga qabto Liiska Golaha dhexe.

Xoghayaha Shir-gudoonkii Shirweynihii Kulmiye, Maxamed Yoonis Cawaale, ayaa isaga oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika  sidoo kale sheegay in qeyb ka mid ah golaha dhexe loo qeybsanayo hab Beelaysan, waxaanu sheegay inta  ay noqonayaan guud ahaan Xubnaha Golaha dhexe ee kulmiye,waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Haddii aan ahay Xoghayihii Shir-gudoonka Shirweynihii Kulmiye, ee Saddexaad, ee dhacay dhammaadkii bishii hore, waxa aanu doonayaa in aan  iclaamiyo, aniga oo ku hadlaya Magaca Guddida, in Beeluhu soo  gudbiyaan Liisaskii Golaha dhexe ee Kulmiye,sida ugu dhakhsaha badan, ugu dambeyna ilaa Salaasada, iyagoo haysta Saddex Cisho, waxaana ka rajaynayaa Beelaha iyo Dadka ka wakiilka ahi in Liiska Dadka uga qeyb galaya Golaha dhexe Beel walba ay u soo gudbiyaan, wixii Salaasada ka dambeeyana aad ayey u adkaanaysa in la qabto Liisaska, wixii noo yimada Salaasada anagu waanu gudbin doona, oo waxa aanu u gudbin doona Hogaanka Xisbiga, si hawshayadu u dhamaato, waxaana aad u codsanayaa in hawshaas aad la iskaga xil saaro,oo Wasiirada, Golayaasha iyo Xilidhibaanadu waa inay aad iskaga xil saaraan, si deg deg ahna loo dhameeyo”.

Xoghayaha Shir-gudoonkii Shirweynihii kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Beel walba in cayiman ayey leedahay Golaha dhexe,oo ay og tahay, waana inay  noo keenaan ciddii ay ku heshiiyaan,isla markaana waa inay noo soo gudbiyaan Magacyo sax ah, oo walibana la hubo, soo gudbinta Liiskana waxa ay keenaysa in la soo af-jaro Shirweynihii Kulmiye, wixii ka soo baxay iyo ciddii galaysa Golaha dhexe ee Kulmiye, Golaha dhexe waxa uu noqonaya 322-xubnood,marka la isku daro Xubnaha iyagu ku imanaya Wasiir ama Xildhibaanimo ku imanaya ama Hogaanka Xisbiga ku imanaya, markaas waxa lagu daraya 241-Xubnood, oo ah Xubanaha hadda ay Beeluhu qeybsanayaan,markii hore waxa la isku soo dooran jiray Xisbinimo, balse waxa hadda la eegaya qaabka aynu u leenahay Dhaqanka, oo ah inaynu Beelo ku qeybsano”.