Xoghayaha Qorshaynta Waddani Oo Guurtida Uga Digay Inay Gaadhaan Go’aan Ka Duwan 1 June 2016

0
571

Picture1Hargeysa(Geeska):-Xoghayaha qorsheynta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Eng.Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), ayaa si adag uga digay in golaha guurtida Somaliland ay soo saaraan go’aan ka gedisan kii hore ay ugu dhawaaqeen komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ee ay ku muddeeyeen wakhtiga ay farsamo ahaan qorsheeyeen in ay ku qaban karaan doorashooyinka madaxtooyada iyo aqalka golaha wakiilada oo ku beegan badhtamaha sanadka danbe, waxaana uu sheegay in haddii la soo saaro wax ka badan mudadaas aanay aqoonsan doonin xukuumada hada jirta iyo sida oo kale go’aanka ka soo baxa golaha Guurtida Somaliland.

Eng.Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu tibaaxay in go’aanka ay soo saaraan uu yahay mid aan meelna loo dhaafi karin oo uu ahaa heshiis ay saddexda xisbi qaranba ka raali ahaayeen.

"Waxa ay xukuumadani wada waxa weeye in sanadkaa marka horeba xaaraanta ah ee Shantii sanno ee xukuumada Kulmiye soo jiidaysay in ay korodho ee ay u hortaagnayd mar walbana u carqaladaynaysay haday xeer tahay, haday baarlamaan tahayba iyo haday Komishan tahay, ay mar walba carqaladaynaysay in ay ugu suurowdo. mar haddii Komishankii meel laga dhaafo la waayey oo Komishankii intaas muddeeyey, annagu intaas ayuun baanu ogalaanay iyada oo Lix bilood oo waliba la iska dhex fadhiyeyaa ay ku jirto, laakiin maalin intaa ka badan oo aanu aqbalaynaa ma jirto ka xusbi ahaan go'aankayaguna waa sidaas, waxa weeye waa in 2016ka ay doorashadu dhacdo ayaa xisbiga Waddani uu diyaar u yahay, waxii aan intaas ahayn wax Alle iyo wax aan ka ogal nahay Komishanka iyo wax aanu ka aqbali doona midna ma jirto, haddii sidaas laga bixi waayana waxaa ay tahaysaa in aan xukuumada aqoonsan weyno marka wakhtigii lagaadho, korodhsiimada ay guurtidu keentana aanu aqoonsan weyno, dabadeedna uu dalku u baahdo in shir qaran oo wada tash ah la isagu yimaado, sidii cidii maamulka loogu dhiibi lahaa marka loo sameeyo.".Ayuu yidhi Eng.Riyo-raac.