Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Wax Ka Qabato Tabashooyinka Gobalada Darafyada

0
528

imagesHargeysa (Geeska)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, ayaa  Xukuumadda  ugu baaqay in Shuruucda iyo Nidaamka u yaala Qaranka Somaliland aanay jabin, Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiiladana wakhtigii loogu talagalay ay ku qabato. Xoghayaha Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay sidoo kale Xukuumadda ugu baaqay in sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabato tabashooyinka Gobolada Barri iyo  Galbeed, isaga oo Xukuumadda ku eedeeyey inay masuul ka tahay tabashooyinkaas. “Xilka Madaxtooyada iyo Xilka Golaha Wakiilada wakhtigoodii wuu dhammaanaya,  oo waxa Umadda reer Somaliland iyo Axsaabta Qarankuba diyaar u yihiin Doorasho, iyada oo Madaxweynuhuna balanqaday in Doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, Umaddu nidaam iyo sharci ayey leedahay,nidaamkaas iyo sharcigaasina cid walba wey ka sareeyaan, Umadda Somaliland nidaamka ay dhigatay ayaa sheegay in Doorashada wakhtigii loogu talagalay la qabto, wixii ka baxsan waxaas ka duwana waxa uu noqonaya wax ka baxsan shuruucda, nidaamka iyo sharciga Qaranka”. Xoghayaha Xisbiga Waddani oo ka hadlay haddii Doorashadu dhacdo rajada ay qabaan ayaa yidhi “Waxa aanu qabnaa rajo aad u fiican, Doorashada cida helaysa waa wax ILLAAHAY ku xidhan balse rajo aad u wanaagsan ayaanu qabnaa, waxa anaga noo muhiim ah in Wadankan Dimuqraadiyadiisu socoto, Shuruucda dalka iyo wixii lagu heshiiyey ay hirgalaan”.

Xoghayaha Xisbiga Waddani ayaa mar uu ka hadlaayey Diwaangelinta Codbixiyaayasha yidhi “Anaga waxa noo muhiim ah Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha,oo in badan waanu sheegnay in nidaam iyo qorshe sax ah oo loogu talagalay aanu jirin, balse haddii ay Xukuumaddu wadayso waanu garab taaganahay, haddii ay joojisana waxa ay ku timid qorshe xumo ay markiiba hore Xukuumaddu ay ahayd in aanay ugu diyaar garoobin inay saneeyso, oo ahayd inay ku carqaladayso inay Komishanka Qaranku qabtaan”.

Xoghayaha Waddani oo ka hadlay Komishanka Doorashooyinka ayaa  yidhi “Komishanka Doorashooyinku Ilaa hadda si sax ah ayey u socdaan, Waddo wanaagsana wey hayaan, waxaana runtii ku gubaabinaynaa, waxaana u rajanaynaa guul iyo inay dalkan horumar gaadhsiiyaan, Dimuqraadiyadii hore u jirdayna ay sii xoojiyaan, cadaaladna waanu ka raynaynaa, waa Niman Odayaal ah oo hawsha ilaa hadda qabteen waa hawl aad iyo aad u fiican”   Xoghayaha Xisbiga Waddani oo ka hadlay Amaanka iyo Gobolada Darafyada iyo doorka ay ku leedahay Xukuumaddu ayaa yidhi “Amaanka iyo Nabadgeliyada dadka ayaa ilaaliya, Dawladduna wey ku ilaalisa, waxaana runtii Umadda reer Somaliland ugu mahadnaqaynaa sida ay Amaanka u ilaaliyaan, xagga Barriga iyo xagga Galbeedkaba tabashooyin ayaa ka jira, waxaana Xukuumadda ka rajaynaynaa  in sida ugu dhakhsaha badan u dhamayso tabashooyinka Barriga iyo Galbeedkaba”.